Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa bulshada kula taliyay inay qataan shahaadada badqabka Covid 19.

11 Aug

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa bulshada kula taliyay inay qataan shahaadada badqabka Covid 19.

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa bulshada kula taliyay inay qataan shahaadada badqabka Covid 19.
11, August,2020: – Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa manta karbaahinta uga warbixiyay xaalada safmareenka Covid19 Puntland sidoo kalana bulshada safraysa kula taliyay inay qataan shahaadada wasaaraddu bixinayso ee baaritaanka Covid19.

“Agaasimaha ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay xaaladaha Covid 19 ee Puntland waxaana uu xusay in maalmihii la so dhaafay xoogaa sara kac ah uu jiro deegaanada kala duwana laga soo sheegayo,waxaa sidoo kale uu walaac ka muujiyay cabsida aduunka la soo daristay ee laga baqayo in wajigii labaad ee xanuunku uu ka bilawday aduunka qaarkiis, waxaana uu shacabka kula taliyay inay feejignaantoodi sii wadaan ayna sii wadaan isticmaalkooda waxyaabaha la iskaga ilaalinayo xanuunka.”
Agaasimaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarka dalka dibadiisa oo dib uga bilawday Puntland shalay oo diyaaradii ugu horaysay ay shalay garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ay soo gaartay waxaana uu dadka safraya ee dalka dibadiisa usafraya uu kula taliyay inay qataan shahaadada wasaaraddu udiyaarisay ee Covid19 inuu ka badqabo cadaynaysa, iyadoo wasaaraddu diyaarisay shahaado caalami ah oo shuruudaha caalamka oo dhan laga doonayo buuxisay, taasi oo aduunka lagu soo kordhiyay in qof kasta oo dhoofaya isticmaalo la’aanteedna aan qofka garoomada ka dhoofi karin, waxaa sidoo kale sheegay in qofka uu soo codsan karo 72 saac ka hor waqtiga uu safrayo loona diyaarinayo.”

Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.