Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta warbaahinta uga warbixiyay Covid19 Puntland.

29 May

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta warbaahinta uga warbixiyay Covid19 Puntland.

05 May,2020: Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa maanta xafiiskiisa warbaahinta uga warbixiyay xalaada covid19 Puntland waxaana uu hadalkiisa ugu horaynba kaga hadlay diyaargarowga Puntland ay samaysay markii xanuunku uu soo gaaray dalka, shaqooyinka guddiga madaxweynaha uu magacaabay shaqada ay qabteen iyo mid wasaaradda ahaan ay qabteen.

Agaasimaha ayaa hadalkiisa fariin ugu diray bulshada,ganacsatada iyo bukaanada laga helo xanuunka.

Agaasime Dr Abdirisaaq ayaa ugu horayn ku amaanay ugana mahadceliyay madaxweynaha dawlada Puntland kaalinta ugu weyn ee uu ka qaaday, wacyigalinta iyo diyaar garowga xanuunka marka uu dalka soo gaaray iyo dhaqaalaha uu uqoondeeyay la tacaalida xanuunka .

Waxaa sidoo kale uu amaanay shaqada ay qabteen guddiga uu madaxweynuhu magacaabay ee heer wasiiro oo uu hogaaminayo qaybta wacyigalinta wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo sidoo kale guddiyada kale ee uu uqaybsanyahay shaqooyinka ay qabteen, ee lahayd xirnaanshaha isku socodka dalka iyo dibada, saarida xayiraada qaadka iyo isku imaatinka bulshada, xiritaanka jaamacadaha iyo iskoolada Puntland taas oo uu sheegay inay yaraysay, fiditaanka xanuunka oo hadii talaabooyinkaas aan dawladu qaadeen inta ay ka badan lahayeen bukaanada uu ku dhacay xanuunku.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay oo soo hadal qaaday shaqada wangsan ee ay qabteen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee ahayd diyaarinta meelaha lagu dawaynayo bukaanada xanuunka laga helo oo uu sheegay in hada ay diyaar yihiin ilaa 12 xarumood intii badnaydna ay yaalaan qalabkii loogu talagalay balse ay jiri karaan wax ka dhinaan karaan oo wadanka laga waayi karo ay jiri karaan, shaqaale utababaran ay diyaar yihiin, Oxygen laga helayo meel la seexiyo.

Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay kaalinta aan lama ilaawaanka ah ee ay dawlada Federaalku ka qaadatay oo ay qalab soo gaarsiiyay kuwa kalena ay ka sugayaan insha allah.

Agaasimaha ayaa xirfadlayaasha caafimaadka faray inay udiyaar garoobaan dagaalka lagula jiro xanuunka, marka ay baaritaanada samaynayaan ay ka taxadaraan bukaanada u imaanaya, waxaana uu xusay inay qalabka la xirto ay wasaaraddu gaysan xarumaha caafimaadka qaybo kalena ay gayn doonaan,xarumaha gaarka loo leeyahay gaar ahaan cisbitaalada gaarka loo leeyahay inay udiyaar garoobaan in lagu dabiibo dadka xanuunada uu haleelo, una qoondeeyaan cisbitaalada qaybo gaar ah oo xanuunka dadka uu ku dhaco lagula tacaalo.

Agaasimaha ayaa bulshada usoo jeediyay in fariimaha caafimaadka in laqaato oo ay dhagaystaan fariimaha sida ay tahyna ufuliyaan,waa in qofkasta oo banaanka ubaxaya ama meel bulsho iskugu imaanayso uu xirto afxirasho iyo gacmo gashi si xanuunka aad uga nabadgashaan, sidoo kale in la kala fogaado oo la ilaaliyo kala dheeraanshaha bulshada.

Agaasimaha ayaa ka hadlay ganacsatada oo uu usoo jeediyay inay iyaguna kaalintooda ka qaataan ka hortaga xanuunka faafitaankiisa, xarun kasta oo ganacsi ah waa in laga helo mashiinka lagu faraxasho oo qof kasta oo soo galaya lagu amro inuu gacmaha dhaqdo, inuu xiranyahay afxirasho iyo hadii la awoodo in la
sameeyo in laga cabiro qandhaha, waasida kaliya ee lagu badbaadi karo ganacsataduna ay ilaaliyaan.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyn baaq udiray qof kasta oo xanuunka laga helay, waxaana usoo jeediyay inay guryahooda ku nagaadaan inta ay dhamaysanayaan 14 bari ee loogu talagalay, inta baaritaan kale lagu samayn doono oo labo jeer la ogaan doono in xanuunka laga wayay.