Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay wehelinayeen Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirashiid Xaaji Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed  Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha WFP iyo World Vision.

20 Mar

Garoowe: 20 March 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay wehelinayeen Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirashiid Xaaji Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed  Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha WFP iyo World Vision.

Kulankan ayaa looga hadlay Mashaariicda labada hay’addood ka wadaan Puntland gaar ahaan qaybta nafaqada siddii loo sii horumarin lahaa iyadoo lagu salaynayo qorshaha wasaaradda ee arrimaha Mashaariicda iyo horumarinta caafimaadka.
Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, isagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda caafimaadka.
Kulankan Wasaaradda iyo Hay’addaha la shaqeeya ay yeelanayeen tan iyo bilwogii sanadka cusub ayaa ahaa sidii wasaaraddu ula wadaagi lahayd waxyaabihii qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo qorshaha sanadka cusub ay wasaaraddu  leedahay si loogu saleeyo waxyaabaha hay’addduhu qabanayaan ee,ku aadan qorshayaasha wasaaradda  ee 2024.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaarada.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.