Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday xarunta karantiilka ee Qardho iyo dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble

26 Sep

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday xarunta karantiilka ee Qardho iyo dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday xarunta karantiilka ee Qardho iyo dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble.
25-09-2021:- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr Jaamaca Faarax Xasan oo hawlo shaqo u jooga magaalada Qardho ayaa booqasho ku tegey cusbitaalka guud ee Qardho, si gaar ah qaybta karantiilka iyo la tacaalida xanuunka Covid-19 oo dhowaan cusbitaalka la hoos geeyay.

Wasiirka oo uu weheliyo Agaasimaha cusbitaalka Guud ee Qardho Dr Jaamac Ildab ayaa u kuurgallay habka ay shaqadu u socoto iyo addeegyada ay hayaan bahda caafimaadku, wasiir jaamac ayaana bogaadiyey habka naf-hurinimada leh ee ay bulshada ugu addeegayaan.
Dhanka kale wasiirka caafimaadka ayaa booqday dugsiga tababarka ciidamada ee Xorgoble Qardho, halkaas oo ay ka sacoto bixinta tallaalka Johson-Johson si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka Xanuunka Covid-19.
wasiirka ayaa warbixin ka dhageystey taliyaha dugsiga Xorgoble Burhaan Caanood, guddoomiye ku xigeenka gobolka Karkaar, agaasimaha guud ee cusbitaalka Qardho iyo saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland.
Ugu danbayn Wasiir Jaamac ayaa kelmad u jeediyey ciidanka waxaanu sheegay in dowladdu daryeel kasta oo ay u baahan yihiin ay la garab taagan-yihiin, sidoo kale waxa uu xusay in tallaalkan uu ka hortag u yahay xanuunka covid-19 maadaama dugsigan ay dad badani ku jiraan.
DHAMMAAD.
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.