Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay Shir ku saabsan dib u eegista wadashaqaynta wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO). 

08 Jun

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay Shir ku saabsan dib u eegista wadashaqaynta wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO). 

08-Jun-2021:- Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka Puntland shir balaaran oo ay wada qaateen wasaaradda Caafimaadka iyo wefti balaaran oo ka socday Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) oo uu hogaaminayay madaxa WHO ee soomaaliya DR. MALIK.  Shirkaan ayaan ku saabsanaa siddii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo WHO.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud,  agaasimaayaasha waaxyaha iyo inta badan madaxda xafiisyada kala duwan ee waasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka ugu horayn ka hadlay ayaa soo dhoweeyay madaxda hay’adda  Caafimaadka Aduunka (WHO)waxaanu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen wasaaradda caafimaadka Puntland.
Madaxa hay’adda WHO Soomaliya Dr Malik oo isna shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan soo booqdo Puntland waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka soo dhoeayntooda iyo sida wanaagsan ee aan uwada shaqayno, waxaannan ku raja weynahay kulanka maanta inuu noqdo mid mira dhala horayna usii wada xiririka wanaagsan ee aan wada leenahay, waxaan balan qaadayaa inaan horumarino dadaalkana aan wadno.”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo isna shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan idinku soo dhoweynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Malik adiga weftiga balaaran ee aad hogaaminaysid, waxaan sidoo kale idiinka mahadcelinayaa wadashaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda caafimaadka Puntland iyo WHO, waxaannan rajaynayaa shirkan inuu ka soo baxo natiijo kor loogu qaadayo xiriirka wada shaqayn ee aan wada leenahay.”
Shirka ayaa inta uu socdey lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee sanadka 2021 waxa qabsoomay 6 billood ee lasoo dhaafay iyo waxa la rajaynayo in la qabto inta sanadka ka dhimman.