Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

09 Jun

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

08,June, 2020: Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan wasaaradda Qorshaynta kaga qaybgalay shaacinta xeerka tirakoobka Putland.

Xeerkaan ayaa looga arinsanayay helitaanka xogta Puntland kaas oo qayb ka qaadan doona ilaalinta iyo xifdinta xogta dadka Puntland, sidoo kale waxaa lagu salayn doonaa qorshaha 5sano iyo doorashooyinka qof iyo Cod ah ee la qaban doono.

Wasiirka wasaaraddq qorshaynta Abdiqafaar Xaange oo shirkq furay ayqq ugu horayn bogaadiyay ka soo qaybgalka buuxa ee agaasimayaasha guud ee Puntland waxayna noqonaysaa in laga wada qaybgalo

waxaan si rasmi ah usheegayaa in markii ugu horaysay Puntland yeelatay xeerka tirakoobka, xeerkaan ayaa ah mid soo maray golayaasha dawlada Madaxweynaha uu kusoo saaray faafinta rasmiga ah.

Xeerkaan ayaa waxa uu muhiim u noqon doonaa hay’addaha dawlada inay isticmaalaan iyo sidoo kale Hay’addaha ka shaqeeya Puntlqnd, ka wasaarad ahaana waxaan ku samayn doonaa dabagal iyo qiimayn.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay inta badan agaasimayaasha wasaaraddaha Puntland waxaana la bogaadiyay helitaanka xeerkaan tirakoobka.

Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.