Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ข๐˜…๐˜†๐—ด๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿฒ.

06 Jul

Waxaa maanta xarunta wasaaradda caafimaadka lagu daahfuray mashiinka Oxygenka sameeya kaas oo jaaliyada Norwey ee Puntland ay 2016kii soo gaarsiisay wasaaradda balse cilad dhanka farsamada ah ushaqayn wayay, ugu danbeyn wasaaradda oo u hawlgashay ku guulaysatay in maanta uu shaqeeyo.
Furitaanka mashiinka waxaa maanta ka qaybgalay wasiirka wasaaradda agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gabdh ka socotay jaaliyada Norway, masuul ka socday hayโ€™adda UNICEF.

Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ugu horayn ka hadlay mashiinka maanta la daahfurayo โ€œwaxa uu sheegay in jaaliyada Norway ay soo dhiibtay 2016 kharashka lagu keenayna ay bixisay dawlada Puntland, balse Farsamadiisa cid taqaana la wayay uu mudo u fadhiyay.โ€
โ€œWasaaradda ayaa isku hawshay kadib markii uu bilawday xanuunka safmarka ah ee Covid19 ay uhawlgaleen inay ka shaqaysiiyaan anagoo la kaashanay Dawlada Puntland iyo hayโ€™adda UNICEF, Eebe mahadiis maanta ayaa lagu guulaystay in laga shaqaysiiyo waxaana uu soo saarayaa Oxygenka loo baahanyahay, sidoo kale waxaan xusayaan in mashiinkaan uu yahay mid bulshadu leedahay ayna ka faaiidaysan doonaan dhamaan deegaanada Puntland.โ€
Ubax Abshir oo ka socotay jaaliyada Norway โ€œayaa bogaadisay inay maanta aragto mashiinkaan oo shaqaynaya waxayna uga mahadcelisay wasaaradda iyo guud ahaan cid kasta oo ka qayb qaadatay sidoo kale jaaliyada Norway ee Puntland oo mashiinkaan soo iibiyay soona gaarsiiyay deegaanka, waxayna rajaysay sida agaasimuhu sheegay in si guud looga faaiidaysan doono.โ€
Xaashi Xirsi Muuse oo ka socday UNICEF โ€œayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay in uu shaqeeyo mashiinkaan waxaana uu bogaadiyay shaqada wasaaraddu ay qabatay iyo in lagu guulaystay in uu shaqeeyo uuna soo saarayo Oxygen, waxaana uu xusay in hayโ€™adda Unicef ay maalgalinta ka shaqaysiinta mashiinkaan kala qaybqaadatay wasaaradda, ay sii wadi doonaan wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin wasaaradda.โ€
Abdirahmaan Muuse oo ka socday shirkada Star Health Care Solution oo ahayd shirkada ka shaqaysay in la kiciyo uuna shaqeeyo mashiinkaan ayaa ka waramay maxladihii uu soo maray iyo caqabadihii qabsaday iyo in qalabka qaybtood dalka iyo dibada laga keenay.
Wasiirka caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo ugu danbeyn daahfuray mashiinka ayaa sheegay โ€œin uu ku faraxsanyahay ka wasiir ahaan inuu maanta daahfuro laguna guulaysto in dib loo kiciyo uuna shaqeeyo mashiinkaankaan, waxa uu xusay in ka wasaarad ahaan ay waqti badan galiyeen in laga shaqaysiiyo uuna farsamo ahaan ufadhiyay ilaa 2016kii.
โ€œWasiirka ayaa sidoo kale xusay in mashiinkaan Oxygenta uu samaynayo aysan muhiim u ahayn xanuunka Covid19 balse ay ka faaโ€™iidaysan doonaan dhamaan dadka qaba xanuunada ku dhaca saablayda ama sambabada marka in la helo oxygen waxaa ku xirantahay qofka badbaadiisa qofka allaha badbaadinayo, mashiinka ayaa oxygenta ka dhalinaya hawada aan ku neefsanayno oo uu kala sifaynayoโ€
Mashiinkaan ayaa ah mid public ah oo wasaaradda yaala ayna ka faaiidaysan doonaan dhamaan bulshada Puntland, mustaqbalka dhawna waxaan rajaynayaa in dhamaan magaalooyinka waaweyn ay helaan mashiinkaan oo kale si looga baaqsado ama u yaraato baahida oxyegen ee ka jirta deegaanka, waxaan ugu danbeyn umahadcelinayaa shirkada shaqada ka qabatay Star, jaaliyada Norway iyo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay inuu shaqeeyo laguna guulaysto.

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.