Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝟏𝟐 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐥𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐝𝐮𝐠.

28 Jun

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝟏𝟐 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐥𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐝𝐮𝐠.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝟏𝟐 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐥𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐝𝐮𝐠.

28, June, 2020: Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda UNICEF qalab loogu talagalay 12 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka oo dib udayactir lagu sameeyay, xarumahaan ayaa ku kala yaala gobolada Nugaal iyo Mudug.

Xaashi Xirsi Muuse oo ka socday hay’adda UNICEF oo qalabaka wareejinayay ayaa sheegay in maanta ay wasaaradda ku wareejinayaan qalab loogu talagalay 12 xarumaha hooyada iyo dhalaanka ah oo la dayactiray, xarumahan ayaa lagu dayactiray dhaqaale ay bixisay wadanka Germalka waxaana la soo mariyay UNICEF, xarumaahaan ayaa ku kala yaala meelaha fog ee gobolada Nugaal iyo Mudug.

Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qalabkan maanta ay kala wareegayaan hay’adda UNICEF looguna talagalay ilaa 12 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka ah oo ku kala yaala deegaanada fogfog ee Puntland.

Waxa uu xusay in xarumaha la dayactiray 5 kamid ah ay ku yaalaan gobolka nugaal kuwaas oo kala ah xarunta hooyada dhalaanka Badey degmada Eyl, Yoonbeys, Gambool, Gargaar iyo Kulmiye degmada Burtinle.

Sidoo kale gobolka Mudug 7 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka ah ayaa la dayactiray qalabkaana la gaarsiin doonaa kuwaas oo kala ah degmada Jiriiban ( Garcad iyo Balibusle), Degmada Galdogob (Shaafici iyo Qudus), xarun ku taala Buursalax iyo xarun hooyada iyo dhalaanka oo laga dhisay degmada Tawfiiq oo aan horay ulahayn.

Agaasimaha ayaa xusay in qalabkaan ay iskugu jiraan kii ilmaha xabka looga keenayay marka uu dhasho, sariirihii hooyada ay ku umulaysay iyo Oxygentii ilamaha hadii uu ubaahado lagu qabanayay, waxaana uu fududayn doonaa dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan oo ka hadlay qalab wareejinta ayaa sheegay inu ugu horayn ku faraxsanyahay in shaqadii soo socotay ee dhaqaalaha ay bixinaysay dalka Germalka ayna fududeynaysay hay’adda UNICEF ay soo dhamaatay dayactirkii xarumaha maantana qalabkii loogu talagalay ay kala wareegayaan hay’adda.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan oo saddex waji ahaa uu soo dhamaaday wajigii koowaad oo ahaa dayactirka 12 xarumood hooyada iyo dhalaanka oo ku yaalay meelaha fog fog kuwaasi oo ay ku badnayd dhimashada hooyada iyo dhalaanka baahi badana uqabay inay helaan xarumahan oo casri ah una dhamaystiranyihiin intii badnayd qalabkii looga baahnaa, taasina xogtii ugu danbeysay ay cadaynayso in 50% ay hoos udhacday taasina ay tahay hadafkii ugu weynaa ee wasaaradda ay ahayd inay gaarto.

Wasiirka ayaa sheegay in wajiga labaad uu bilaaban doono kaasi oo lagu dayactirayo cisbitaalada degmooyinka Bacaadweyn, Galdogob iyo Burtinle, wajiga saddexaadna waxa lagu dhisi doonaa cisbitaalka magalaada Garowe oo ay ahayd in waqti hore la bilaabo balse dib udhaca uu keenay xanuunka safmarka ah ee Covid 19, dhakhsana uu rajaynayo inuu ubilawdo.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay wadanka Germalka iyo hay’adda UNICEF shaqada ay qabatay uuna sheegay inay tahay sxbka ugu weyn ee ay leedahay.

width=”660″ height=”540″ />

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.