Adeegyada Wasaaradda Caafimaadka In dhammaan carruurta Puntland hesho tallaalada kala duwan ee ka hortagga xanuunada ku dhaca ilmaha, kuwaas oo mihiim u ah ilmaha iyo noloshiisa. In Wasaaraddu dhisto xarrumo caafimaad oo ku fillan bulshada Puntland isla markaan dayactir ku samayso xarrumaha caafimaadka. In dadweynaha Puntland la siiyo wacyigelin gelin ku aadan xanuunada kala duwan ee ka jira geyiga iyo ka hortaggooda si loo helo bulsho caafimaad qabta. In bulshadu hesho dawooyin tayo fiican leh isla markaana la hubiyey si bulshada caafimaadkooda loo Daryeelo, iyadoo la eegayo bedqabka bulshada.Wasiirrada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasiir Mr. Siciid Jaamac Qoorsheel W.ku xiggeen Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac W.dowle Mr. Axmed Sheekh Faarax Agaasimaha Guud. Dr Maxamuud Maxamed Xiddig Wararka Iyo Dhacdooyinka Wasaaradda Caafimaadka 02 Jun 2025 Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Axmed Sheekh Faarax, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefdi sare oo ka socday safaaradda Switzerland iyo hay’adda Save the Children. Kulankan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xiddig, iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha iyo madax-qaybeedyada wasaaradda. 26 May 2025 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’addaha Bisha Cas iyo IFRC. 25 May 2025 Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isagoo sii wada kormeerkiisa guud ee hay’adaha Dowladda. 25 May 2025 Waxaa magaalada Qardho laga Daahfury ololaha Tallaalka isku dhafan Ee Dabaysha, jadeecada, Oof-wareenka, iyo kordhinta Tallaalada PCV & Rotavirus. Wararki Hore Saaxiibada Wasaaradda Caafimaadka Address Puntland – Somalia. Call us 252-090-5777444 Emal Us info@moh.pl.so