03
Sep
Wefti uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland mudane Maxamed Maxamud Ciise (Awoowe) oo safar shaqo ku jooga Degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug ayna weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho ku tegay cisbitaalka weyn ee degmada Buursaalax iyo xarumaha caafimaad oo kale ee ku yaal magaalada.
Bursaalax 02-Sep-2024:-Wefti uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland mudane Maxamed Maxamud Ciise (Awoowe) oo safar shaqo ku jooga Degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug ayna weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho ku tegay cisbitaalka weyn ee degmada Buursaalax iyo xarumaha caafimaad oo kale ee ku yaal magaalada.
Waftiga ayaa halkaas waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil kamid ah wasaaradda caafimaadka iyo maamulka degmada ayagoo oga warbixiyey caafimadka degmada iyo baahiyaha ay qabaan, sidoo kale masuuliyiinta ayaa qaybaha uu ka kooban yahy hosbitaalku kormeeray.
Kormeerka kadib gudoomiyaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta wasaaradda sida ay iskaga xil saareen in adeega caafimaadka la gaarsiiyo meelkasta oo Puntland ka mid ah.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND