Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wefti ka socda Baanka Adduunka oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland ayaa kormeer ku tegey xarunta dhexe ee caafimaadka gobolka Nugaal, Xarunta Caafimaadka Jilab, iyo Xarunta Caafimaadka Gambool

05 Oct

Wefti ka socda Baanka Adduunka oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland ayaa kormeer ku tegey xarunta dhexe ee caafimaadka gobolka Nugaal, Xarunta Caafimaadka Jilab, iyo Xarunta Caafimaadka Gambool

Garoowe: 05 October 2024: Wefti ka socda Baanka Adduunka oo maalmihii udanbeeyey ku sugnaa Puntland ayaa kormeer ku tegey xarunta dhexe ee caafimaadka gobolka Nugaal, Xarunta Caafimaadka Jilab, iyo Xarunta Caafimaadka Gambool. Kormeerkooda ayaa daarnaa in qiimayn lagu sameeyo habsami u socodka adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumahaasi, iyadoo gaar ahaan diiradda la saarayo mashruuca Damal Caafimaadka.

Weftiga ayaa kormeerkooda ka bilaabay xafiiska caafimaadka gobolka oo ay kula kulmeen isuduwaha wasaaradda caafimaadka Mohamed Jamac iyo shaqaalaha kale waxaana uu warbixin dhamaystiran ka siiyay habsami usocodka mashruuca damal caafimaad, shaqooyinka laga qabtay xarumaha iyo sida uu wax badan uga badlay inta uu gobolka ka socday, waxaa sidoo kale uu la wadaagay baahiyaha wali dhiman iyo sidii mashruuca oo sanadka soo socda dhamaanaya loo sii wadi lahaa.

Waftiga ayaa ugudbay xarumaha caafimaadka Jilab iyo Gambool waxaana ay warbixino ka dhagaysteen maamulka xarumaha oo uga warbixiyay is badalka togan ee mashruuca laga faa’iiday iyo sida uu wax badan uga badalay shaqadii xarumaha ka socday, waxayna codsadeen in la sii hormariyo.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in weftiga ka socda Baanka Aduunku ay helaan xog ku saabsan halka uu marayo mashruuca Damal Caafimaad iyo isbedelada dhacay intii uu mashruucu socday. Kormeerku wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo adeegyada caafimaadka, si loo gaaro ujeeddooyinka lagu hiigsanayo iyo in la xaqiijiyo in adeegyada caafimaad ee la bixiyo ay yihiin kuwo tayo sare leh oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Waxaa la filayaa in kormeerkan uu ka mid noqdo dadaallada lagu xoojinayo caafimaadka Puntland, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha iyo fursadaha horumarineed ee jira.

Waftiga ayaa markay soo dhamaysteen kormeerkooda waxay galinkii danbe xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka kula kulmeen wasiirka wasaraadda caafimaadka Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka Dr Abdirashiid Hassan iyo wasiirudawlaha wasaaradda Ahmed Sheekh Farax waxayna la wadaageen sida mashruucu usocdo waxayna wasaaradda ku bogaadiyeen sida wanaagsan oo ay shaqada ula qabteen hay’addaha kala shaqeeya waxayna balan qaadeen inay xoojin doonaan siina wadi doonaan sidii adeega caafimaad oo tayaysan loo gaarsiin lahaa bulshada Puntland.

Wasiirka wasaaradda Siciid Jamac Qorsheel ayaa uga mahadceliyay waftiga ka socda baanka aduunka kaalintooda taageerada iyo ka qaybqaadashada horumarinta iyo tayaynta adeega caafimaadka Puntland waxaana uu ka codsaday in mashruuca ay sii wadaan sidoo kalena ay gobolada kale gaarsiiyaan.

Kulanka waxaan qayb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig, agaasimaha Qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, kusimaha agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Muxiyadiin Ahmed Mohamed iyo shaqaalaha mashruuca damal caafimaad ee wasaaradda caafimaadka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment