
Wefti balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ahna gudoomiyaha guddiga taakulada ciidamada Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa safar ku tagay degmada Baladhidin iyo degaanka Turmasaale jiida hore ee ciidamada difaaca kula dagaalamayaan argagaxisada Daacish
Wefti balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland ahna gudoomiyaha guddiga taakulada ciidamada Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa safar ku tagay degmada Baladhidin iyo degaanka Turmasaale jiida hore ee ciidamada difaaca kula dagaalamayaan argagaxisada Daacish.
Wafti ayaa waxaa qayb ka ahaa gudoomiyaha gobolka Bari, lataliyaha madaxweynaha kana mid ah guddiga taakulada Ahmed Abdi Hurre , agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig,Abdirizak Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah, Abdirisak Artan Madaxa maaraynta iyo maamulka xogta caafimaadka ee wasaaradda, Dr Abdikariin Huseen Hassan madaxa Duumada, isuduwaha caafimaadka gobolka Bari.
Wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa safarkooda ka bilaabay degmadda Bilidhidin halkaas oo isbitaalka lagu wareejiyay dawooyin iyo mashiino fududaynaya shaqada ka socota isbitaalka, kadib waftiga ayaa usii gudbay furimaha dagaalka waxaana xarun caafimaad laga furan turmasaale waxaa xarunta laga sameeyay bakhaarka dawada halkaas oo dhamaan dawooyinkii loo baahnaa la dhigay waxaa sidoo kale la geeyay xirfadlayaal caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad kuwaasoo ciidamada la soconaya una fuduaynaya adeegyada caafimaad ee ay ubaahanyihiin.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dagaalka sida uu bilawday waxay adeega caafimaad gaarsiinaysay meelaha dagaalada ka socdaan loona fududaynayo ciidmada caafimaadkooda laga warhayo lana xanaaneeyo, wasaaradda ayaa qorshaynaysa in xarunta caafimaad laga furay turmusaale laga hirgalin doono saalada qaliinka kuwaasoo qaliinada fudud lagu samayn doono.
DHAMMAAD




























XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.