Weft heer sare ah oo ka socda Baanka adduunka oo ku sugnaa Puntland ayaa maanta soo kormeeray cisbitaalka guud ee Garoowe kaas oo uu ka socdo Mashruuca Damal Caafimaad oo uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank).
Garoowe: 04 October 2024: Weft heer sare ah oo ka socda Baanka adduunka oo ku sugnaa Puntland ayaa maanta soo kormeeray cisbitaalka guud ee Garoowe kaas oo uu ka socdo Mashruuca Damal Caafimaad oo uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank).
Wasiir kuxigeenka Dr. Abdirashid Hassan, Wasiir Dawlaha wasarada Caafimaadka dawlada Puntland, Ahmed Sheekh Farax, Agaasimaha qorshaynta Idiris Abdullahi,Maamulka mashaaruca Damal Caafimaad ee Puntland,Iyo hay,adda mashruuca fulinaysa ee PSI, ayaa waftiga kuso dhaweeyay cusbitaalka guud Ee magaalada garowe .
Waftiga ayaa warbixin ka dhagaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr Hodan Ali Shire waxayna la wadaagay shaqada guud ee isbitaalka sid mashruuca damal caafimaad uga socdo iyo waxyaabaha Iska badalay adeegii Caafimaadka ee ay hore u bixin jireen.
Kormeeradkan ayaa salka ku haya, sidii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaadiyo sidii ay waftiga ka socda Baanka aduunku u heli lahaayeen xogo ku aadan halka uu marayo iyo waxa isbadalay intii uu socday mashruuca Damal Caafimaad, iyagoo maalmaha soo socdana kormeero kale ku mari doonaa xarumaha kale ee uu mashruucu ka socdo ee gobolka Nugaal.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.