Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wefdiga ka socda Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud iyo Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, oo ah Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madaxda sare ee hay’adda Save the Children Sweden oo fadhigoodu yahay magaalada Stockholm.

21 Jun

Madaxda hay’adda Save the Children Sweden ee weftiga ka socday wasaaradda caafimaadka qaabilay waxaa ka mid ahaa:

Helene Cassemar – Agaasimaha Gobolka Bariga Afrika

• Sakina Sakerwalla – Agaasimaha Deeq-bixiyeyaasha Hay’adaha

• Johan Mellström – Maareeyaha Mashruuca

• Lucia Manzone – Maareeyaha Wada-shaqeynta Sida

Kulankan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SCI, ayaa diiradda lagu saaray:

• Xog-warran guud oo ku saabsan mashaariicda ay hay’addu ka waddo gudaha Puntland.

• Qiimeyn ku saabsan guulaha la gaaray iyo caqabadaha taagan.

• Dood furan oo ku saabsan qorsheyaasha mustaqbalka iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga labada dhinac.

Kulanku wuxuu qeyb ka yahay safarka shaqo ee rasmiga ah ee wafdiga Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku joogaan dalka Sweden, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka iskaashi ee hay’adaha taageera caafimaadka, gaar ahaan kuwa sida tooska ah ula shaqeeya Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay si gaar ah u bogaadisay kaalinta muuqata ee ay Save the Children ka qaadato horumarinta adeegyada caafimaadka ee Puntland, iyadoo rajaynaysa in iskaashigan uu noqdo mid sii kobca mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.