24
Dec
Waxaa wasaaradda caafimaadka lagu qabtay dhammaystirka nidaamka Human Resource Management System (HRMS) oo ah nidaam loo samaysanayo wasaaradda caafimaadka gaar ahaan qaybta shaqada iyo shaqaalaha , kaas oo wax weyn ka tari doona diiwaangelinta xogta shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, shaqaalaysiintooda, qiimayntooda, imaanshaha shaqada IWM.

Waxaa shirkan goob joog ka ahaa madaxa ICT-ga wasaaradda caafimaadka Enj Cabdirashiid Cawed Diiriye, laba sarkaal oo iyana ka tirsan qaybta ICT-ga Maxamed Jaamac Ducaale, , Sarkaal shaqada iyo shaqaalaha xarunta dhexe ah Maxamuud Suleymaan iyo Shirkadda Merit Advisory Services oo ah shirkadda dhisaysa system ka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.