Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa si ramsi ah loo soo xidhay Shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland 2025 oo ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, shirka oo socday muddo labo maalmood ah 21 iyo 22-ka bisha afraad waxaa ka soo baxay warmurtiyeedkan:

25 Apr

Waxaa si ramsi ah loo soo xidhay Shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland 2025 oo ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, shirka oo socday muddo labo maalmood ah 21 iyo 22-ka bisha afraad waxaa ka soo baxay warmurtiyeedkan:

WAR-SAXAAFADEED

Xoojinta Maalgelinta Caafimaadka Waara ee Puntland

Waxaa la soo saaray kaddib Wadatashigii Heerka Sare ee Maalgelinta Caafimaadka Gudaha | Garoowe, Puntland | Taariikhda: Abriil 21–22, 2025

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 21–22 Abriil 2025, waxaa soo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Shirkan heerka sare ah waxa uu isu keenay saamileyda muhiimka ah oo isugu jiray wasaaradaha dowladda sida Maaliyadda, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga, gudoomiyaasha gudiga dhaqaalaha ee Maaliyada iyo arimaha bulshada, Maayarada degmooyinka qaar kamid ah , hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’ado caalami ah iyo kuwa maxalli ah, ganacsatada, jaamacadaha, khubaro caafimaad, iyo bulshada rayidka.

Shirkan wuxuu dhaliyay madal furan oo lagu falanqeeyey xeelado cusub oo waara, si loo maalgeliyo nidaam caafimaad oo loo siman yahay, adkaysi leh, kuna saleysan ujeeddooyinka horumarineed ee Puntland iyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadalkiisii furitaanka ku adkeeyey go’aanka dowladda ee ku aaddan maalgelinta caafimaadka gudaha iyo dhismaha nidaam caafimaad oo xooggan oo gaaraya dhammaan shacabka Puntland.

Shirku waxa ka soo baxay qodobada soo socda:

Xog soo jeedin, is waraysi, dooddo, lafagur, iyo falaqeyn dheer kadib. Waxaa shirweynaha maalgelinta caafimaadka ka soo baxay qodobada soo socda:

1. Xaqiijinta Ballanqaadka Dowladda ee Dib-u-habeynta Maalgelinta Caafimaadka- Dowladda Puntland waxay mar kale adkaysay go’aankeeda oo ku wajahan maalgelin caafimaad oo waarta. Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Farax, ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda caafimaadka lagu samayndoono dib u eegis iyo kordhin laga bilaabo sanad miisaaniyadeedka soo socda.

2. Xoojinta Korjoogtaynka Baarlamaanka iyo U qareemida Maalgelinta Caafimaadka- Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan guddoomiye yaasha gudiyada ee Maaliyadda iyo Arrimaha Bulshada, waxay ballanqaadeen inay u qareemaan oo hubiyaan kororka miisaaniyadda caafimaadka ayna ilaaliyaan in arrimaha maalgelinta caafimaadku ahaadaan mudnaanta koowaad ee qorsheynta miisaaniyadda dawlada Puntland ee kalfadhiyada soo socda.

3. Aqoonsiga Doorka Lama Huraanka ah ee Bahwadaagta Dowladda Puntland waxay u mahadcelisay dhammaan bahwadaagta bixisa taageerada joogtada ah ee arimaha caafimaadka– gaar ahaan dowladaha Sweden, Switzerland, Germany, USA, UK, KSA, Qatar, UAE, EU, qurbo-joogta Soomaaliyeed, iyo deeq-bixiyeyaasha kale – taageeradooda joogtada ah ee maaliyadeed iyo farsamo. Wada-shaqeyntani waxay tiir-dhexaad u tahay sii socoshada adeegyada caafimaad ee tayo leh.

4. Nidaamyada cusub ee kor loogu qaadayo maalgelinta caafimaadka

– Khidmada la-saarayo walxaha leh khatar caafimaad : Soo jeedinta khidmada gaar ah oo lagu soo rogo badeecadaha iyo adeegyada leh khatarta ku ah caafimaadka (sida: qaadka, sigaarka, iyo waxyaabaha la isku qurxiyo), si kor loogu qaado dakhliga.

– Caymiska Caafimaadka Bulshada: Bilaabidda iyo dhiirigelinta nidaam caymis caafimaad ah oo si tartiib-tartiib ah loo hirgeliyo, iyadoo lagu bilaabayo shaqaalaha dawladda sida ciidamada, booliiska, iyo shaqaalaha rayidka.

– La Shaqeynta Deeq-bixiyeyaasha: Sii wadida dadaallada lagu kasbanayo taageero maaliyadeed iyo farsamo si loo xoojiyo nidaamka caafimaadka.

– Nidaamka Kharash Wadaaga Caafimaadka (Cost Sharing) : Dhisidda nidaamka kharash wadaaga caafimaadka oo taageeraya joogteynta adeega caafimaadka asaassiga ah.

– Daadijinta Hirgalinta Caafimaadka Asaasiga ah: Dawladaha Hoose waxay balan qaadeyn in ku daraan kab caafimaad miisaaniyada degmada.

5. Xoojinta Ka-qaybgalka Bulshada Gudaha, Qurbajoogta, iyo Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay ee Maalgelinta Caafimadka

– Iskaashiga Dadweynaha iyo Ganacsiga (PPP): Dhiirrigelinta maalgashi toos ah oo ay ganacsatada ku sameeyaan sector-ka caafimaadka, iyada oo loo marayo PPP iyo mas’uuliyad bulsheed (CSR).

– Ka-qaybgalka Bulshada iyo Qurbojoogta: Isku-dubarid iyo la socod midaysan oo lagu hawlgaliyo tabarucaadka bulshada iyo qurbojoogta ee dhinaca caafimaadka.

– Dhiirrigelinta Maalgashiga: Bangiga Dowladda Puntland ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa kor u qaadista maalgashiga gaarka loo leeyahay ee sector-ka caafimaadka, iyadoo dowladda ay ballanqaadday inay horumarin doonto siyaasado dhiirrigeliya isla markaana hubiya hufnaan iyo isla xisaabtan.

– Furida Sanduuq Hormurinta Caafimaadka: Shirku waxa uu isku raacay in la abuuro sanduuqa horumarimta caafimaadka.

6. Horumarinta Siyaasadadaha Muhiimka ah, Nidaamyo iyo Tilmaamo ee la xiriira maalgelinta Caafimadka

– Siyaasadda Dawlada ee Maalgelinta Caafimaadka: Qaab dhismeed dhammeystiran oo la jaanqaadaya horumarinta dalka iyo mabaadi’da nidaamka caafimaadka.

– Xisaabaadka Dawladda ee Kharashaadka Caafimaadka (NHEA): Nidaam lagu raadraaco dhammaan kharashaadka caafimaadka (kuwa dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo kuwa deeq-bixiyeyaasha) si loo helo qorsheyn xog ogaal ah loona dhiirrigeliyo isla xisaabtan.

– Hannaanka Isku-xiran ee Sector-ka (SWAp): Qaab midaysan oo lagu hago qorsheynta, miisaaniyadeynta, iyo fulinta barnaamijyada caafimaadka iyadoo la iska kaashanayo dhammaan bahda sector-ka caafimaadka.

– Tilmaamaha Ka-qaybgalka Qurbojoogta: Sameynta tilmaamo habaysan oo fududeeya iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya dowladda iyo qurbojoogta si loo taageero horumarinta sector-ka caafimaadka Puntland.

Gunaanad

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Puntland wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda nidaam caafimaad oo waara, loo dhan yahay, isla markaana adkaysi leh. Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ka-qaybgalayaashii iyo daneeyayaasha doorarka muhiimka ah ka qaatay shirka. Iyadoo la adkaynayo go’aanka lagu hirgelinayo arrimaha lagu heshiiyay, Wasaaraddu waxay sidoo kale shaacisay in madashan la sii joogteyn doono sanad walba, si loo xoojiyo wadahadalka, lasocdo horumarka, lana kordhiyo isla xisaabtanka ku aaddan maalgelinta caafimaadka ee dawladda Puntland.

Wasaaraddu waxay u mahadcelimaysaa hayada SCI, taageero Farsamo iyo dhaqaale galisay shirkan hirgalintiisa.

Shirweynuhu waxa uu hambalyeeyay guulaha ay gaaareen ciidadamada dawlada Puntland, dagaalka ay kula jirtay argagaxisada Daacish ee Hawgalka Hilaac, oo haogaaminayay madaxwaynaha ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

All reactions:

10Jama Mohamed Da’ar and 9 others

Write a Reply or Comment