20
Jun
Waxaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland kullan iskugu yimid Guddiga Horumarinta Arrimaha Bulshada iyagoo ku falanqeeyey Mudnaanaha hor-tebinta u leh Guddiga inta u dhexeysa 2024 ilaa 2029
Garowe,Jun,19,2024: Waxaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland kullan iskugu yimid Guddiga Horumarinta Arrimaha Bulshada iyagoo ku falanqeeyey Mudnaanaha hor-tebinta u leh Guddiga inta u dhexeysa 2024 ilaa 2029, Gudigaan ayaa ka kooban 5 Wasaaradood iyo 3 Wasaaradood oo ay howl-wadaag yihiin kuwaas oo kla ah:
1. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
2. Wasaaradda Caafimaadka
3. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
4. Wasaaradda Shaqada iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
6. Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
7. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
8. Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada
Kulankaan ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saciid Jaamac Qorsheel oo ay u doorteen Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Arimaha Bulshada iyagoo isla meel dhigay Yoolasha horu-tabinta u leh Bulshada inta u dhaxeesa 2024-2029 lana wadaagi doono Bulshada Puntland maalmaha soo socdo.
“Dowlad iyo Dadweyne isku Daw ah” waa hal ku dhiga xukumada cusub taas oo ka dhigan in Bulshada lala wadago si dhawna ula socoto Yoolasha iyo wax qabadka Xukumada.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.