
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe looga daahfuray Ololaha Tallaalka Isku Dhafka ah ee Jadeecada, Dabaysha (Polio) iyo Oof-wareenka (PCV), kaasoo ka dhacaya dhammaan gobollada Puntland laga bilaabo 24-ka ilaa 28-da Maajo 2025.
Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha, Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, waxaana ka qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Haweenka, iyo Xildhibaan Cabdiaziz Cali Dhahar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland.
Sidoo kale, waxaa ka qayb galay madax iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF, WHO iyo CDC.
Wasiirka Caafimaadka Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qorsheel, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay:
“Maanta waxaan magaalada Garoowe ka daahfuraynaa Ololaha Tallaalka Isku Dhafka ah ee Jadeecada, Dabaysha iyo Oof-wareenka, kaasoo laga hirgelinayo guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland. Waxaa ka shaqayn doona ku dhawaad 2,000 oo xirfadlayaal caafimaad ah, iyadoo lagu talogalay in la gaarsiiyo talaalka in ka badan 650,000 oo carruur ah.”
“Sanadkan waxaa ololaha lagu soo kordhiyay laba tallaal oo cusub: kan Oof-wareenka iyo kan Shubanka, kuwaasoo si joogto ah looga heli doono xarumaha caafimaadka. Sidoo kalena kooxaha caafimaadku waxay si toos ah u booqan doonaan guryaha si ay waalidiinta ugu gaarsiiyaan talaalka carruurtooda ka yar 5 sano jir. Waxaan waalidiinta ku boorrinayaa inay u fududeeyaan shaqaalaha talaalka si ay ubadkooda difaac uga helaan cudurrada laga hortago. Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha nala shaqeeya dadaalka muuqda ee ay wadaan.”
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Hon. Ilyaas Osmaan Lugatoor, oo isna furay ololaha ayaa yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta si rasmi ah uga daahfuro Garoowe Ololaha Tallaalka Isku Dhafka ah ee Jadeecada, Dabaysha iyo Oof-wareenka. Sida uu wasiirku xusay, ololahan wuxuu si buuxda uga bilaabanayaa guud ahaan Puntland. Waxaan bogaadinayaa dadaalka joogtada ah ee ay bixiyaan shaqaalaha iyo hoggaanka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaad.”
“Tallaalada joogtada ah ee horey u jiray waxaa sanadkan lagu soo daray tallaalka Oof-wareenka iyo Shubanka, taas oo muujinaysa dadaalka lagu xaqiijinayo caafimaadka ubadka. Waxaan rajaynayaa in dhammaan carruurta Puntland ay helaan fursad ay kaga faa’iidaystaan tallaalka. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasaaradda Caafimaadka dadaalka iyo horumarka ay ku tallaabsatay iyagoo kaashanaya hay’adaha caalamiga ah.”
DHAMMAAD-




















































































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.