
Waxaa maanta magaalada Garoowe soo gaaray laguna Prof khaliif Bille oo kamid ah khuburada dalka dibadiisa ka yimid kana qaybgalaya kuna casuuman shirweynaha Maalgashiga Puntland.
Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyey agaasimaha caafiamadka asaasiga ah Mudane Cabdirsaaq abshir Xirsi, Cali Faarax madaxa hay’adda PDRC, Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, Niciimo Nuur madaxa qaybta Nadaafada iyo faya- dhawrka (Wash) iyo Salma Osmaan xiriiriyaha mashruuca Marwo caafimaad ee wasaaradda caafimaadka.
Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah oo kalmad soo dhawayn ah ka yiri imaatinka prof Khaliif bile ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta ku soo dhawaynay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Gen Mohamed Abshir Prof Khaliif Bille oo kamid ah khuburada mudada dheer kusoo dhax jiray horumarinta caafimaadka Soomaliya iyo gaar ahaan Puntland oo barnaamijyo uu isagu hal abuurkiisa lahaa ay wadanka hadda ka socdaan laguna faa’iiday, wasaaradda caafimaadka Puntland waxay maalmaha soo socda soo dhawayn doontaa khuburo iyo aqoonyahano ku marti ah shirka caalmiga ah ee todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Garowe kuna saabsan maalgashiga caafimaadka Puntland.”
Prof Khaliif Bille oo soo dhawayntiisa ka mahadceliyay ayaa yiri:
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta garowe imaado dalkaygana dib ugu soo laabto aniga oo kamid ah dadka lagu martiqaaday shirweynaha maalgashiga caafimaadka dawladda Puntland kaasoo aan u arko mid muhiimad gaar ah uleh horumarinta adeegyada caafimaadka iyo sidii bulshadu qayb uga noqon lahayd maalgalinta caafimaadka.”
DHAMMAAD-









XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.