03
Oct
Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaarada caafimaadka Puntland shir dib u eegis loogu samaynayo waxqabadkii malaariyada ee afartii bilood ee la soo dhaafay
Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaarada caafimaadka Puntland shir dib u eegis loogu samaynayo waxqabadkii malaariyada ee afartii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha cusub. Furitaanka Shirka waxaa ka qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka, Agaasimaha waaxda caafimaadka dadweynaha, Madaxa Duumada iyo masuuliyiin ka socday Hay’adaha UNICEF, WHO, iyo isu duwayaasha Caafimaadka ee gobolada.
Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa dib loogu eegi doonaa xogta cudurka duumada ee Puntland oo hoos u dhac weyn laga dareemayo sanadkaan 2021 gaar ahaan magaalada Bosaaso oo ahayd ubucda cudurka ilaa sanadkii 2017 iyadoo ilaa xiligaasna Wasaaradda Caafimaadku la tacaalaysay sidii loo xakamayn lahaa.