17
Jul
Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista 6dii bilood (Janaayo-Juun 2024) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo soconaya laba maalmood kaasoo qayb ka ah Mashruuca Damal Caafimaad ee ay hirgeliso Hay’dda PSI,
Garowe, July 17, 2024: Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista 6dii bilood (Janaayo-Juun 2024) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo socondoona laba maalmood waxaa ka qaybgeleya 73 xarumood oo gobolka Nugaal ah kuwaas oo uu taageero mashruuca Damal caafimaad oo ay hirgaliso Hay’dda PSI. Xarumahan oo iskugu jira
– 1 isbitaal Gobol
– 4 Isbitaal Degmo
– 36 xarumo caafimaad
– 32 rug caafimaad
Sugow Bishaar madaxa mashruuca Damal Caafimaadka ee hay’adda PSI oo ugu horayntii shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Fursad weyn ayay ii tahay inaan idinkala soo qaybgalo furitaanka shirkaan muhiimka ah ee dib loogu qiimaynayo waxqabadka xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal ee uu taageero mashruuca Damal Caafimaad, waxaan sidoo kale bogaadinayaa inaan isku aragno masuuliyiinta xarumaha caafimaadka guud ahaan ee gobolka Nugaal, labada maalmood ee aan wada joogno waxaan isla falanqayn doonaa horumarka la sameeyEy iyo caqabadaha ka jira xarumaha siddii loo horrumarin lahaa waxna looga qaban lahaa.” “Hay’adda PSI waxay markasta diyaar u tahay inay fududayso lana socoto gaaritaanka adeegyada caafimaad ee loogu talagalay bulshada gobolka Nugaal, waxaan markasta wasaaradda iyo gobolka si dhow uga wada shaqaynaa siddii loo wada hirgelin lahaa mashruucan.”
Maxamed Jaamac Xirsi isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa sidii aan dib ugu eegi lahayn waxa inoo qabsoomay maamul caafimaad gobol ahaan iyo hay’adda PSI oo mashruuca Damal caafimaad aan ka wada shaqayno, waxaa xarumaha caafimaadka gobolka ka muuqada is badal hormarineed balse waxaa ii muuqda in wali wax dhimanyihiin lana joogin halkii aan rabnay inaan gaarno, waxaa dayactir lagu sameeyay qaybtoodna wali ka socda xarumaha caafimaadka gobolka qaarkood, waxaa kooban dawada xarumaha la gaaarsiiyay waxayna ubaahantahay inaan tashiilno ama dhaqalaysto si waqtiga loogu talagalay inoogu gaarto.”
“Waxaa masuuliyiinta xarumaha caafimaadka laga rabaa inay shaqada ku kantaroolaan shaqaalaha adeega caafimaad ee laga rabana la siiyo bulshada xarumaha booqanaya, sidoo kale waa in caqabada jira aynu wada jir u xalino. Shirka labada maalmood ee soconaya waa inaad ku soo bandhigtaan caqabadaha idin haysta madaama ay joogaan hay’adda PSI.”
Adna Farax Abdullahi agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka DPL oo shirka furtay ayaa tiri:-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo shirkaan sidoo kalena aan kula kulmo qayb balaaran oo kamid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal, wasaaradda caafimaadka Puntland markasta waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta adeegyada xarumaha caafimaadka Puntland iyo gaarsiinta adeega looga baahanyahay, waxaan dhamaanteen masuuliyad inaga saarantahay in aan ilaalino shaqada iyo waajibaadka ina saaran.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.