07
Jan
Waxaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu
Boosaaso, Dec, 26, 2022: Waxaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu, shirkaan ayaa waxaa dib loogu eegayay mashruuc CHASP oo ka shaqeeya ilaa 7 degmo oo ku kala yaala labada gobol waxaana kawada shaqeeya wasaaradda iyo Hay’adda Badbaadada Carruurta (Save the Children), kaasoo bilowday sanadkii 2021 socona doona ilaa 2024. Waxaa shirka ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Madaxa Save The Children Puntland Mohamed Abdikadir, Kuxigeenkiisa 2aad iyo isuduwayaasha gobolada Bari iyo Gardafu.
Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Bari Siciid Waraabe oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo ugu sareeyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Masuuliyiinta Hay’adda Save The Children taasoo muujinaysa muhiimadda uu leeyahay mashruucan ka shaqeeya gobolada Bari iyo Gardafuu, wax badana ka bedelay caafimaadka gobolada inta uu socday waxaana isleeyahay sanadkan dhamaaday waxaa laga gaaray guulo waaweyn.”
Maxaamed Cabdiqaadir Madaxa Save the children Puntland oo shirka hadal ka jeediyaya ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo shirkan muhiimka ah oo aan dib ugu eegayno mashruuca caafimaadka ee CHASP aana kala shaqayno wasaaradda caafimaadka Puntland kaasoo wejigiisii labaad aan ku guda jirno socona doona ilaa 2024. Wuxuuna taageeraa 58 xarumood (5 Isbitaalo Degmo, 14 Xarumo caafimaad, 38 Baro caafimaad)oo ku yaal toddobo degmo oo gobolada Bari iyo Gardafuu ah. Waxaana uu ka koobanyahay Caafimaad, adeega nafaqada, Biyaha iyo nadaafada(WASH) ee xarumaha iyo ka hortaga tacadiyada GBV si loo helo caafimaad oo wax ku ool ah. Waxan u mahadcelinaynaa deeq bixiyaasha SIDA iyo SDC oo bixiyey dhaqaalaha mashruucan iyo sidoo kale wasaarada caafimaad heerarkeed kala duwan ee degmo, gobol iyo heer dhexeba”
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka furay ayaa yiri:-
“Maantay waxaan halkan uwada joognaa shirka dib u eegista mashruuca CHASP project kaasoo ka shaqeeya gobolada Bari Iyo Gardafuu waxaana mashruucaan nagala shaqeeya hay’adda Badaabada caruurta Save The Children, mashruucaan ayaa ka shaqeeya 7 degmo oo ka mid ah labada gobol ee ka kooban yahay,waxaan ku dhexjirnaa phaseka 2aad oo soconaya ilaa 2024, waan u hambaylaynayaa shaqaalaha kala duwan ee xarumaha caafimaadka, kuwa heer degmo iyo kuwa heer gobol ba dadaalka ay muujiyeen kor u qaadista caafimaadka, wasaarada caafimaadka waxaa ka go,an in ay gaarto goob walba ay joogaan hooyo iyo dhalaan”
Agaasimaha Guud ayaa inta uu joogo magaalada Boosaaso eegi doona shaqada caafimaad ee Gobolka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.