Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO

22 Jul

Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO

22-July-2024:- Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO
Weftiga waxaa hogaaminaysey Wakiil Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee Soomaaliya Dr Renee Van de Weerdt iyo Ku xigeenkeeda Dr Maxamed Cali Kami oo ay wehliyaan xubno sarsare oo ka socday soomaaliya iyo Puntland.

Waftigaan ayaa booqashadooda la xiriirtay sidii wax looga ogaan lahaa baahiyaha caafimaadka Puntland iyo kor uqaadida wada shaqaynta.
Shir ka dhacay hoolka wasaaradda ayna ka soo qaybagleen wasiirka wasaaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel, wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Ahmed Shiikh Farax, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha Guud Dr Mahamed Mohamuud Xidig iyo siihayaha agaasimaha qorshaynta, qaar kamid ah madaxda qaybeedyada, shirka oo waqti dheer qaatay ayaa wasaaraddu ku soo bandhigtay warbixin la xiriirta shaqooyinka la qabtay, qorshayaasha horutabinta uleh wasaaradda.
Wasiirka wasaaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo warbixinta kadib hadal kooban jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan idinku soo dhawaynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland waxaan ku faraxsanahay inaan maanta kulankaan wada qaadano idinka oo ka socda hay’adda caafimaadka aduunka WHO, waxa uu sheegay in kulanka uu daraanyahay sidii loo sii hormarin lahaa wada shaqaynta si adeega caafimaad loo gaarsiiyo bulshada.”
Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay sidii xog dhamaystiran looga heli lahaa caafimaadka Puntland una ogaan lahaayeen mashariicda caafimaad ee aan ka wada shaqayno wasaaradda. Waxay hogaanka cusub ee wasaaradda ku amaaneen shaqooyinka ay qabteen mudada ay joogeen.
   
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.