25
Sep
Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland wefti balaaran oo ka socdey safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.
Garoowe: 21- Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland wafti balaaran oo ka socday safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo ay wehelinayeen agaasimaha Guud Dr-Abdirizak Hersi Hassan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee wasaaradda.
Waftiga waxaa hogaaminaysay Jonna Karlsson Xoghayaha Koowaad iyo Bini’aadantinimada Swedan Soomaaliya SIDA, uuna wehelinayo lataliyaha dhanka caafimaadka Daniel Magnusson-“Health Advisor” waxaa sidoo kale waftiga qayb ka ahaa saraakiil ka socday hay’adda UNICEF Soomaaliya iyo Puntland oo ka koobnaa Edith Kibui – Madaxa Unicef ee Puntland ayna qayb ka ahaayeen Milhia – Madaxa caafimaadka unicef Somalia Patrick – madaxa qaybta resilient ka Puntland,Hashi cafimaadka puntland
Leon madaxa caafimaadka iyo Nutrition ka Puntland.
Wasaaradda ayaa warbixin guud ka siisay qorshayaasha caafimaadka iyo nafaqada iyo caqabadaha jira iyo talooyinka looga gudbi karo, iyadoo si gaar ah looga sii hadlay abaaraha iyo saamaynta ku yeelatay dhanka caafimaadka.
Dr- Jamac Farax Xassan oo ku hadlayay magaca wasaarada ayaa hadal kooban oo uu jeediyay ku yiri:-
“Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Swedan booqashadooda, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la iska kaashado sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa qorshayaasha horutabinta leh ee wasaaradda iyo sidii caqabadaha jira looga wada gudbi lahaa.”
“ Dr- Jamac Farax wasiirka waxa uu uga mahadceliyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa wasaaradda gaar ahaan xarumaha hooyada iyo dhalaanka “MCH” iyo guud ahaan caafimaadka, waxaana uu xusay muhiimada ay leedahay in la sii labo jibaaro waqtigan adag ee guud ahaan dalka ay saamaysay abaaro sababay nafaqadaro iyo cuduro kale oo la xiriira helitaa la’aanta biyo nadiif ah.”
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.