
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Axmed Sheekh Faarax, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefdi sare oo ka socday safaaradda Switzerland iyo hay’adda Save the Children. Kulankan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xiddig, iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha iyo madax-qaybeedyada wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu lafaguray horumarka iyo qorshaha mustaqbalka ee mashruuca CHASP, oo ka socda gobollada Bari iyo Rasuul-Casayr, una dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adda Save the Children, iyadoo ay maalgelinayaan dowladaha Sweden iyo Switzerland. Ujeedada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah, iyadoo qorshuhu yahay in si tartiib ah loogu wareejiyo dowladda Puntland, maadaama taageerada caalamiga ah ay hoos u sii dhacayso.
Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan wasaaradda. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo ka dhaxeysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, taas oo saldhig u noqon karta horumar waara iyo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo si siman loo heli karo.
“Iskaashi dhab ah iyo qorshayaal cad oo la wada leeyahay waa furaha lagu gaari karo horumar caafimaad oo muuqda, loona siman yahay,” ayuu yiri Wasiiru-Dowluhu.
Dhankooda, wafdiga ka socday safaaradda Switzerland iyo Save the Children ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Waxay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Puntland, si kor loogu qaado adeegyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud iyo faham wadajir ah oo ku saleysan dardargelinta qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, iyadoo la hiigsanayo helitaanka adeeg caafimaad oo loo siman yahay dhammaan bulshada Puntland.




























Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland