Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa hay’adda PSI galabta kala wareegay agab caafimaad oo isugu jira daawo, qalab sheybaar, iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka

04 Jul

Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa hay’adda PSI galabta kala wareegay agab caafimaad oo isugu jira daawo, qalab sheybaar, iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka

Garowe July,01,2024:- Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa hay’adda PSI galabta kala wareegay agab caafimaad oo isugu jira daawo, qalab sheybaar, iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka. Qalabka ayaa qayb ka ah mashruuca Caafimaadka ee Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad.
Cabdiqani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland iyo Cabdirahmaan Ibraahim madaxa saadka hay’adda PSI ayaa agabka ku wareejiyey wasiiru dowlaha wasaaradda oo u weheliyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Maxamed Jaamac Qorile.

Ugu horayn Masuuliyiinta ka socdey Hay’adda Population Services International (PSI) ayaa si faahfaahsan ugu Warbixiyey agabkan, iyagoo xusay in loogu talagalay xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal oo uu ka shaqeeyo mashruuca Damal Caafimaad.
Wasiirka dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Ahmed Shiikh Farax oo ku hadlaayey magaca Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhankiisa Hay’adda (PSI) uga mahadceliyey agabka iyo daawada ay keeneen waxaana uu xusay in ka wasaaradda ahaana xarumaha loogu talagalay gaarsiin doonaan si ay qayb uga noqoto adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabanayo.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.