16
Nov
Wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta kormeeray Isbitaalka guud ee magalaada Garoowe.
Garowe 04-Nov-2024: Wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta kormeeray Isbitaalka guud ee magalaada Garoowe.
Wasiirka waxa uu kulan kula qaatay madaxa qaybta caafimaadka hay’adda UNICEF Zeghy iyo Hashi Musse waxayna u kuurgalayeen hawlaha ka dhiman dhismaha isbitaalka iyo dayactirkiisa.
Wasiirka ayaa sidoo kale maamulka faray inay dardargaliyaan adeega caafimaadka ee ka socda, wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay agaasimaha qorshaynta Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed iyo madaxa qaybta gargaarka deg-dega iyo dabagalka cudurada Sucaad Ahmed Mohamuud.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.