Wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta booqasho ku tegey Isbitaalka Hooyada, dhallaanka iyo Carruurta ee Yashfiin Garoowe.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta booqasho ku tegey Isbitaalka Hooyada, dhallaanka iyo Carruurta ee Yashfiin Garoowe.
Wasiirka ayaa waxaa isbitaalka ku soo dhaweeyay maamulka iyo dhakhatiirta oo uu ugu horeeyo Dr. Ibraahin Yuusuf oo ah Dhakhtarka Carruurta iyo Dhallaanka , ujeedka booqashada wasiirka ayaa daarnayd u kuurgalida iyo booqashada caruur uu ku dhacay xanuunka gawracatada kuwaas oo lagula tacaalayo isbitaalka.
Wasiirka ayaa kormeeray qaybta Dhalaanka ilmaha lagu koriyo isbitaalka Yashfiin oo ah qayb casri ah .
Kormerka kadib wasiirka ayaa kalan gaar ah la qaatay maamulka iyo dhakhaatiirka warbixin guud oo isbitaalka ah iyo baahiyaha ka jirana ka dhagaystay, waxaana uu uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada uhayaan.
Wasiirka waxaa booqashada ku wehelinayay Sucaad Ahmed Mohamuud madaxa qaybta deg deg iyo lasocodka cudurada wasaaradda caafimaadka Puntland.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.