04
Jul
Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka dib u eegista iyo wada shaqaynta maamulka daawada iyo saadka ee dowladda iyo hayaadaha calaamiga ah
Garowe, July 02, 2024:Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka dib u eegista iyo wada shaqaynta maamulka daawada iyo saadka ee dowladda iyo hayaadaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba. Shirkan oo socon doona laba maalmood.
Madaxa qaybta daawada Mudane Sharmaarke Cabdiraxmaan Jaama oo shirka furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
” Mudane wasiir waxaa maanta noo furmay shirka dib u eegista iyo wada shaqayanta hay’addaha dawliga ah iyo kuwa calaamiga ah ee maamulka dawada iyo saadka. Waxaa lagu lafa guri doona wax la qabtay waxyaabaha dhiman iyo sidii loo sii hormarin lahaa.”
Mudane Ahmed Sheekh Farax wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaygalo shirkaan muhiimka ah ee dib loogu qiimaynayo waxa ka qabsoomay qorshayaashii 6dii bilood ee la soo dhaafay qaybta saadka iyo dawada wasaraadda caafimaadka Puntland iyo caqabado haday jireen sidii loo sixi lahaa, sida aan wada ognahay saadka iyo dawada waa lafdhabarka shaqda caafimaadka waayo hadaan la helin dawo tayaysan shacabkeenu khatar ayay galayaan, waan uga mahadcelinayaa Sharmaake iyo kooxdiisa ka shaqaysa qaybtaan saadka iyo dawada sida aan ogahayna juhdi badan galiyay sidii loo heli lahaa dawooyin tayaysan xarumaha iyo goboladana loo gaarsiin lahaa.
“ Ugu dambeyntii waxa uu u mahadcelinayaa hay’adda WHO & Unicef iyo kuwa kale ee naga taageera ama naga caawiya dawooyinka.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.