Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Cali Maxamed Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Guud ee Magaalada Dhahar iyo xarumaha kale ee bixiya adeegyada caafimaadka, si uu ugu kuurgalo xaaladda adeegyada caafimaad ee ka socda degmada

04 Jul

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Cali Maxamed Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Guud ee Magaalada Dhahar iyo xarumaha kale ee bixiya adeegyada caafimaadka, si uu ugu kuurgalo xaaladda adeegyada caafimaad ee ka socda degmada

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta heerka adeegyada caafimaadka, tayada daryeelka la siiyo bulshada, baahiyaha ka jira xarumaha caafimaadka, xaaladda agabka iyo shaqaalaha caafimaadka, iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta adeegyada caafimaadka ee ay helaan shacabka.

Wasiiru-dowlaha waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Axmed Maxamuud Qaxiye, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha, Mudane Maxamed Cali Americo, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Daad, maamulka Gobolka Haylaan, maamulka Degmada Dhahar, Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka, iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ayaa warbixinno ka dhegeystay maamulka Isbitaalka Guud ee Dhahar iyo madaxda xarumaha caafimaadka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay bixiyaan, guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta u leh in wax laga qabto si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Cali Maxamed Cismaan, ayaa bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada bahda caafimaadka ee ka hawlgasha degmada Dhahar, isagoo xusay in shaqaalaha caafimaadku ay laf-dhabar u yihiin adeegga bulshada.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ay si joogto ah uga shaqaynayso horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta xarumaha caafimaadka, xoojinta awoodda shaqaalaha, iyo hubinta in bulshada ku nool dhammaan deegaannada Puntland ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana daboolaya baahiyaha aasaasiga ah ee caafimaadka.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: Ministry of Health Puntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment