Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru- dowlaha wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland H.E Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta Garoowe ka furay Shirka Dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Caafimaadka iyo Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka (MOH) iyo UNICEF.

17 May

Wasiiru- dowlaha wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland H.E Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta Garoowe ka furay Shirka Dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Caafimaadka iyo Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka (MOH) iyo UNICEF.

Shirka waxaa ka qaybgalaya agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Maxamed Maxamuud Xidig, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, kusimaha agaasimaha caafimaadka aasaasiga ah Sucaad Maxamuud iyo agaasimaha maamulka Maaliyada Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, sidoo kale madax qeybeedyada wasaaradda ayaa ku warbixino la xiriira shaqooyinka qabsoomay 2024 iyo qorshaha 2025 mashaariicda wasaaradda iyo UNICEF ka wada shaqeeyeen iyo guulaha laga gaaray ku soo bandhigi doona.

Shirka waxaa ka qaybgalaya qaarkamid ah madaxda ugu saraysa UNICEF soomaliya iyo Puntland, waxaana ka mid ah Mads Oyen- Cheif Field Operations, Millhia Kader- Cheif of Health Edith Kabui- Cheif field office iyo xubno kale oo iskugu jira shaqaalaha xarumaha Soomaliya iyo Puntland.

Shirka oo socon doona saddexda maalmood ee socota ayaa waxaa dib loogu eegi doonaa shaqooyinkii qabsoomay sanadkii 2024 iyo qorshaynta Istaraatiijiyadda Caafimaadka iyo Nafaqada ee sanadka 2025.

Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland oo shirka hadal ka jeediyay ayaa yiri:-

“ Waxaan bogaadinayaa shirkaan muhiimka ah ee maanta garowe inooga furmaya kaasoo Dib-looyu eegayo looguna qorshaynayo shaqooyinkii qabsoomay sanadkii 2024 iyo qorshaynta sanadka 2025 mashariicda Caafimaadka iyo Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka (MOH) iyo UNICEF ay ka wada shaqaynayeen. Shirkaan waa mid muhiim ah waxaana ka wasaaradda caafimaad ahaan rajaynayaa inay ka soo baxaan qorshayaal lagu hormarinayo caafimaadka bulshadeena, waxaan sidoo kale ka rajaynayaa in caqabadaha jira loogu gudbi doono.”

Edith Kabui- Madaxa Xafiiska Puntland, Millhia Kader- Madaxa caafimaadka UNICEF oo shirka hadalo kooban ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomida shirkaan waxayna wasaaradda caafimaadka Puntland ku amaaneen shaqada wanaagsan ee horumarsan ee ay bulshadooda uhayaan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa, waxay xuseen in shirkaan yahay mid laga filayo horay in loo socdo lagana wada shaqeeyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada caafimaad iyo nafaqo ee bulshada Puntland la siiyo.

Mads Oyen- Madaxa Hawlgallada xafiiska UNICEF Soomaliya oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waan ku faraxsanahay inaan maanta kasoo qaybgalo shirkaan muhiimka ah, waxaan ku amaanayaa wasaaradda caafimaadka Puntland horumarka wanaagsan ee ay ka samaysay horumarinta caafimaadka iyo nafaqada Puntland, waxaan sidoo kale ku bogaadinayaa wada shaqaynta kala dhaxaysa UNICEF, shirka waxaa qorshuhu yahay in lagu qiimeeyo laguna qorsheeyo sanadkii 2024 iyo kan 2025, mashariicda caafimaad iyo nafaqo. Markasta UNICEF waxaa ka go’an in adeega loo dhaweeyo bulshada Puntland.”

H.E Ahmed Shiikh Farax Wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-

“ Waxay noo tahay Sharaf inaan ka soo qaybgalo shirkaan lagu qorshaynayo wada shaqayntii wasaaradda caafimaadka Puntland iyo UNICEF ay fuliyeen sanadii lasoo dhaafay 2024 laguna dajinayo qorshaha caafimaadka iyo nafaqada sanadka 2025, waan soo dhawaynayaa in la isku yimaado la is weydiiyo waxa qabsoomay, caqabadahii yimid sidii looga gudbi lahaa, waan umahadcelinayaa cidkasta oo ka soo shaqaysay.

“ Waxaan rajaynayaa saddexda maalmood ee shirka socdo in wax quruxbadan uga soo baxaan hooyooyinka iyo ubadka reer Puntland oo lagu hormarinayo caafimaadkooda loona dhawaynayo adeega, wixii qabsoomayna la isku bogaadiyo wixii aan qabsoomina wax la iska weydiiyo waxay uqabsoomi wayeen dib loogu eego, qorshayaasha cusub ee sanadkaana laga dhigo kuwa wax ku soo kordhiya caafimaadka iyo nafaqada wax badan oo kor uqaadi doona nolosha hooyooyinka iyo caruurta Puntland. Ugu danbeyn waan umahadcelinayaa hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanaagsan ee wasaaradda kala dhaxaysa waana ku bogaadinayaa.”

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment