Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta furay shirka bulshada iyo daneeyeesha loogu soo bandhigayo mashruuca Damal Caafimaad oo ka socda Gobolka Nugaal kana mid ah mashaariicda ugu balaaran ee caafimaadka ee ka socda Puntland
Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta furay shirka bulshada iyo daneeyeesha loogu soo bandhigayo mashruuca Damal Caafimaad oo ka socda Gobolka Nugaal kana mid ah mashaariicda ugu balaaran ee caafimaadka ee ka socda Puntland.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaada laga soo doorto gobolka Nugaal, xoghayaha dawladda Hoose ee Degmadda Garowe, agaasimayaasha Isbitaalada Gobolka Nugaal qaarkood odayaasha gobolka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Dr Maxamed Maxamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadlay shirka ayaa yiri:-
“ Runtii waxaa farxad iyo sharf noo ah in shirkaan muhiimka ah uu inoo qabsoomo sanadka dhamaadkiisa kana mid ah shirarka ugu muhiimsanaa ee qabsoomi lahaa, kaasoo ku saabsan sidii la iskugu imaan lahaa loogana tashan laha halke joognaa halkeena usoconaa dibna loo eego guulaha balaaran ee mashruuca laga gaaray iyo qorshaynta sanadka 2025 hadafyada laga leeyahay,mashruuca waa mid kamid ah mashariicda ugu waaweyn ee ka socda Puntland. Sanadka soo socda dhexdiisa ayuu ku egyahay marka waa in talo laga yeesho halkee looga wareegayaa haddii la cusboonaysiin waayo, waana sababta xildhibaada aan ugu casunay sidii ay dawlada uga keeni lahaayeen waxa ku xirma ugana qayb qaadan lahaayeen caafimaadka sidoo kale culimada oo iyagana laga doonayo inay kor uqadaan wacyiga bulshada kuna dhiirigalin lahaayeen siday caafimaadka wax ugu darsan lahaayeen.”
Abdulaahi Mohamed Abddalle Xoghayaha dawladda Hoose Garowe oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Mashruuc damal caafimaad waan bogaadinaya waxa uu ka qabtay gobolka gaar ahaan degmadda Garowe oo aan ogahay inuu is badal weyn ku sameeyay xarumaha ku yaala haday ahaan lahayeen dhisme ahaan iyo adeega oo kor loo qaaday, waxaan ku amaanayaa wasaaradda iyo hay’adda PSI sida wanaagswn oo ay umaamuleen, waxaan diyaar unahay inaan kaalintayada qaadano masuuliyadna iska wada saarno, waxa la fulinayo waxaa wangsan inay raad fiican ka tagaan mira dhalkiisana laga faa’iidaysto.
Xildhibaan Mahad Ali Liibaan oo kamid ah guddiga arimaha bulshada kana mid ah xildhibaanada gobolka laga soo doorto ayaa yiri:-
“ runtii farxad ayay noo tahay inaan ka soo qaybgalno shirkaan looga tashanayo loogana wada hadlayo mashruuca damal caafimaad oo ah midka kaliya ee horumarineed ee ka socda gabolka Nugaal iyo muhiimada uu leeyahay, waxaa muhiim ah in mashuruuca tijaabada ahaa laguna guulaystay, waan soo dhawaynaynaa ka xildhinaan ahaana diyaar ayaan unahay inaan kaalintayada qaadano.”
“Waxaa muhiim ah in dadweynaynaha lagu dhiirigalinayo laguna wacyigaliyo inay qayb ka noqdaan caafimaadka.”
Wasiir Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Maanta waa maalin aad uqiimo badan waxaan uwada joognaa sidii aan wax iska weydiin lahayn bulshadana ugu soo bandhigi lahayn qaar kamid ah mashaariicda socda, halka aan joogno meesha aan hiigsanayno iyo qorshayaasha horutabinta uleh horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka Puntland, bulshadeenu inta badan mashruuc hebel ayaq gobol hebel ka socda ayay maqlaan xog dhamaystirana kama haystaan tusaale ahaan mashruucda damal caafimaad waxa loogu talagalay tijaabo ahaana caasimadaha dawlad goboleedyada waxaana wax lagu faano ah in Gobolka Nugaal uu noqday kan kaliya ee sidii loogu talagalay u fulay una guulaystay wax badana ka badalay muuqaalkii xarumaha caafimaadka ee gobolka meelo badan oo adeeg caafimaad haysana lagu gaarsiiyay.”
“Waxaan rajaynayaa in doodo adag laga yeesho wax badana uu ka soo baxo shirka kaasoo la iskugu afgarto meesha xigta iyo sidii horay loo sii socon lahaa. Ugu danbeyn waxaan xildhibaanada uga mahadcelinayaa kaalintooda wax ku oolka ah ee la socoshada iyo kor joogtaynta ah ee ay ku leeyihiin mashruucaan iyi kuwa kale ee dalka ka jira, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa hay’adda PSI oo mashruuca aan ka wada shaqayno dadaalkooda iyo sida dhaw ee ay noogala shaqeeyeen.”
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.