09
May
Wasiirka wasaaradda caafimadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddiga ururka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland qaar ka mid ah.
Garowe, May,08, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyeen Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, la taliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (Dhagaweyne) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddiga ururka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland qaar ka mid ah.
Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dr Mohamed Cali Maslax Gudoomiyaha guddiga iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga waxaana kulanka madaxda wasaaradda uu daarnaa siday iskaga kaashan lahaayeen wasaaradda iyo guddigu dardargalinta diiwaangalinta xirfadlayaasha waxay sidoo kale uga warbixiyeen waxa uqabsoomay iyo halka wax umarayaan iyo caqabaha ka hor yimid oo ubaahan in si wada jir ah looga wada gudbo.
Guddiga ayaa shaqadiisu tahay helitaanka xirfadlayaasha la hubiyay oo ka shaqeeya xarumaha caafimaadka haystana diiwaangalinta guddigan mustaqbalka dhawna aysan ka hawlgali doonin xarumaha caafimaadka dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay qof aan ka diiwaangashnayn guddigan.
Wasiirka wasaaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo gunaanad shirka ka hadlay ayaa ku amaanay guddigan hawsha wanaagsan oo ay qabteen iyo dadaalka xoogan oo ay wadaan, wasiirka waxa uu balan qaaday in wasaaraddu diyaar utahay inay guddiga kala shaqeeyaan hirgalinta iyo ka mira dhalinta shaqadooda, caqabadaha ay xuseena si wada jirka uga wada gudbi doonaan.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana loo balamay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah si qorshayaasha loo hirgaliyo loona helo shaqaale xirfadooda la hubiyay marayna nidaamka dawladdu udajisay.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.