Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Qoorsheel, oo uu weheliyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Axmed Sheekh Faarax, iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Xasan Waloore ayaa kormeer ku tegey Isbitaalka guud ee Gobalka Mudug.

12 Aug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Qoorsheel, oo uu weheliyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Axmed Sheekh Faarax, iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Xasan Waloore ayaa kormeer ku tegey Isbitaalka guud ee Gobalka Mudug.

Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Qoorsheel, oo uu weheliyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Axmed Sheekh Faarax, iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Xasan Waloore ayaa kormeer ku tegey Isbitaalka guud ee Gobalka Mudug., waxaa halkaasu kusoo dhaweeyey Agaasimaha Isbitaalka Dr.Saadiq Maxamaud Aden.

Weftiga wasiirka ayaa warbixin ka dhegaystay agaasimaha Isbitaalka, oo ka warbixiyey xaaladda guud ee cisbitaalka shaqada ka socota, agaasimihu waxa hu ku nuuxnuuxsaday mihimada ay bulshada u leedahay adeega ay ka helaan Isbitaalka iyada oo ay ka caawiso Hay’adda MSF qaybaha caruurta, hooyada iyo dhllaanka iyo qaybta gargaarka dag dagga ah, iyadoo bukaanada qaybahaas adeega usoo doontana ay helaan dawayn iyo baaris lacag la’aan ah.
Waxaa kaloo wasiirku uu maanatay xariga ka jaray qayb cusub oo laga hirgaliyey Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug (Mudug Regional Hospital), taas oo bixin doonta adeega Sifaynta Kalyaha (DIALYISIS UNIT), waxaana la Hawl galiyey 3 mashiin oo toos u shaqayn doona.
Wasiirka iyo wafdigiisu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee Isbitaalka si loo gaaro ujeeddooyinka caafimaadka ee Puntland.
     
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.