Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Siciid Jaama Qoorsheel, oo uu weheliyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Axmed Sheekh Faarax, ayaa booqday xarunta Wasaarad iyo sidoo kale Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee magaalada Gaalkacyoda Caafimaadka ee gobolka Mudug

12 Aug

Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Siciid Jaama Qoorsheel, oo uu weheliyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Axmed Sheekh Faarax, ayaa booqday xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Mudug iyo sidoo kale Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee magaalada Gaalkacyo. Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dedaallada joogtada ah ee lagu qiimeynayo xaaladda caafimaad iyo adeegyada bulshada ee ka jira gobolka.

Weftiga wasiirka ayaa warbixin ka dhegaystay isuduwaha, oo ka warbixiyey xaaladda caafimaadka ee gobolka iyo caqabadaha jira.
Wasiirka iyo wafdigiisu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee gobolka si loo gaaro ujeeddooyinka caafimaadka ee Puntland.
Intii ay halkaasi ku sugnaayeen, masuuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay shaqaalaha caafimaadka MCH-ka iyaga oo xog-warran ka siiyay xaaladda guud ee xarunta, gaar ahaan adeegyada ay siiyaan hooyada iyo dhallaanka. Waxay si gaar ah u dul istaageen baahiyaha adeeg ee ka jira iyo sida loogu baahan yahay in la xoojiyo taageerada dowladda ee xarumaha caafimaadka.
   
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.