Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, oo ay weheliyaan, Wasiiru-dowlaha Mudane Cali Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka shaqaalaha guud ee Wasaaradda.
Dr Maxamed Maxamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo shirka furay ayaa shaqaalaha la wadaagay kulanka waxa uu daaranyahay oo ku saabsan is araga shaqaalaha guud iyo hogaanka cusub ee wasaaradda, waxaa sidoo kale uu xusay shirka lagu doonayo in lagu dardargaliyo shaqada socota.
Wasiirka Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa kulanka ka jeediyay qodobo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta shaqada Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Xoojinta shaqo hufan oo isla xisaabtan leh
Isbeddel lagu sameynayo habka shaqo si Wasaaraddu u gudato waajibaadkeeda adeeg-bixineed
Kor u qaadista waxqabadka iyo muujiinta guulaha la gaaray
Dib-u-qaabayn lagu sameeyay qaybaha kala duwan si loo xoojiyo wada shaqaynta
Hirgelinta qorshaha 90-ka maalmood ee ugu horreeya iyo horumarka laga gaaray
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hogaanka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku doonayaan horumarinta shaqada iyo tayada maamulka.
DHAMMAAD-









XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.