Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda hay’adda Population Serevices International (PSI) oo maamusha mashruuca damal caafimaad ee Bankiga Aduunku maalgaliyo
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maryan Osmaan Axmed, Wasiiru-dawlaha Mudane Cali Maxamed Osmaan, agaasimaha iyo Agaasimaha Guud ee Dr. Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda hay’adda Population Serevices International (PSI) ee maamusha mashruuca damal caafimaadka oo Bankiga Aduunku maalgaliyo oo kana socda Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayey Madaxa Puntland Cabdiqani Shire.
Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah oo u dhexeeyey hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo maamulka PSI, iyadoo lagu lafaguray mashruuca damal caafimaad ee hadda hayadu la fuliso wasaarada caafimaadka.
Wasiir Mohamed Faroole ayaa kulanka ka dhex xusay qodobbada ugu waaweyn ee qorshaha Wasaaradda, hirgelinta maamul-daadejinta caafimaadka, iyo jaangooynta halbeegyada lagu tayeynayo adeega Caafimaadka bulshada.
Wasiirka xusay baahida loo qabo in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday iyo wada shaqaynta.
Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa qaar kamid ah agaasima waaxdeedyada wasaaradda caafimaadka.
DHAMMAAD-















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.