20
Apr
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed,oo uu wehelinayey wasiiru-dowlaha wasaaradda Cali Maxamed Cismaan Iyo Agaasimaha guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda Care International oo uu hoggaaminaysay Xamdi Cabdulaahi Madaxa Xafiiska haayada Puntland.
Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah oo u dhexeeyey hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo maamulka Care International, iyadoo lagu lafaguray mashaariicda caafimaadka ee shaqooyinka ay hadda wada fuliyaan wasaaradda.
Wasiirka ayaa la wadaagay qorshayaasha horutabinta uleh iyo kuwa mudnaanta leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, waxaana uuna xusay in loo baahanyahay in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday iyo wada shaqaynta.
Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasima waaxdeedyada iyo lataliyaasha wasaaradda.
DHAMMAAD-

















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.