23
Jul
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo wasiir dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka doorashada saddexda Degmo ee Dongoroyo, Godobjiraan iyo Garoowe oo saaka laga daahfuray Martisoor.
23-July-2024:- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo wasiir dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka doorashada saddexda Degmo ee Dongoroyo, Godobjiraan iyo Garoowe oo saaka laga daahfuray Martisoor.
Daahfurka kadib wasiirada ay wehelinayaan wasiiradda arimaha gudaha iyo warfaafinta waxay tageen xafiis caafimaadka gobolka oo ay ku kala direen Ambulusyada iyo kooxaha caafimaadka ee ka shaqaynaya degmada Garowe.
Waxaa wasiiradu kadib booqdeen qaar kamid ah seejooyinka doorashada Garowe kuwaas oo kala ahaa Garoonka Mira awaare, kaamka barakacayaasha Jilab, dugsiga waaberi Inji, dugsiga sare Gambool, dugsiga Ilays iyo jaamacada PSU.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.