24
May
Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo ka qayb kulan Qado ah oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,u sameeyeen Goleyaasha Dowladda
Garoowe : 24 May 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo ka qayb galay kulan Qado ah oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,u sameeyeen Goleyaasha Dowladda ee ka qaybgalay Shirkii Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland kaas oo ahaa mahadcelin iyo dhiirigelin isugu jirta.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Garsoorka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Agaasimeyaasha Guud Wasaaradaha, Agaasimeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Marti sharaf kale