Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Daah-furka Mashruuca Horumarinta Degmada Dhahar, kaasi oo ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu horrumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

18 Sep

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Daah-furka Mashruuca Horumarinta Degmada Dhahar, kaasi oo ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu horrumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

Dhahar, September 17, 2024 — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Daah-furka Mashruuca Horumarinta Degmada Dhahar, kaasi oo ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu horrumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa ka ka qeybgalay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha oo ka koobnaa xildhibaanno, wasiiro, maamulka Gobolka, kan degmada, xubnaha Golaha deegaanka, ganacsato, Guddiga Horumarinta Degmada Dhahar, aqoonyahanka, cuqaasha, haweenka, dhalinyarada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhammaan ka soo qaybgalayaashu waxay isku raaceen in horumarinta degmada Dhahar ay tahay mid ka dhalan karta iskaashi, firfircoonaan, iyo wada shaqeyn.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siicid, oo khudbad ka jeediyay furitaanka mashruuca, ayaa carrabka ku adkeeyay in bulshada looga baahan yahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha horumarinta degmada, isagoo xusay in qorshahan uu wax weyn ka tari doono daboolidda baahiyaha bulshada. Wuxuu sidoo kale ku booriyay in ay dadka deegaanka la yimaadaan qorshe iskutashi oo ay ku hormarinayaan degmada Dhahar, taasoo ah tallaabo lagu gaari karo hiigsiga horumarka deegaanka.
Guddoomiyuhu wuxuu yiri:
“Waxaan halkan fariin uga dirayaa ganacsatada, aqoonyahanka, iyo qurba joogta Gobolka Haylaan in ay qeyb ka qaataan qorshaha horumarinta degmada Dhahar oo ku dhisan isku tashi dadweyne. Waa waajib in aynu iska kaashanno sidii loo dabooli lahaa baahiyaha degmada, loona hirgelin lahaa qorshayaasha muhiimka ah sannadkan iyo sannadka soo socda.”
Dawladdu waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto bulshada, iyadoo xoogga saareysa maamul daadejinta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxaa sidoo kale la adkeeyay in loo baahan yahay in dadweynuhu ay si firfircoon uga qeyb qaataan horumarka deegaanka, iyagoo ilaalinaya midnimada, amniga, iyo wadajirka bulshada.
Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay sanduuq lagu taageerayo horumarinta degmada Dhahar, isagoo ku deeqay lacag dhan $10,000, sidoo kale waxaa dhaqaale ku deeqay.
1. Xildhibaannada Golaha Wakiillada: $6,600
2. Golaha Wasiirada: $5,700
3. Ciidanka Booliska: $3,000
Mashruucan horumarineed wuxuu xoogga saarayaa dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
1. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Ku dhisidda iyo hagaajinta waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada.
2. Furista Waddooyinka: Hirgelinta qorshayaal lagu furayo wadooyin cusub oo isku xira degmada iyo deegaannada kale ee gobolka.
3. Iskaashiga Dadweynaha: Isku tashi bulsho oo lagu hirgelinayo horumar waara.
4. Joogteynta Qaaraan-ururinta: Hubinta in deeqaha iyo qaaraanka bulshada loo maareeyo si hufan oo daahfuran.
5. Ka Faa’iideysiga Khayraadka iyo Wax-soo-saarka: Isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
6. Wacyigelinta Isku Duubnimada: Kor u qaadidda isku xirka bulshada, nabadgalyada, iyo wada shaqeynta bulshada.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo afjaray ballanqaadyo iyo taageerooyin kala duwan oo ay weftiga iyo ka qeybgalayaashu muujiyeen. Mashruucan wuxuu xuddun u noqon doonaa horumar waara oo bulshada Dhahar u horseedaya mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya isku tashi iyo wadajir.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.