Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah weftiga guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Hon Cabdirisaaq Axmed Siciidd ku weheliyey kormeer uu ku tegey Isbitaalka weyn ee degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

15 Sep

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah weftiga guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Hon Cabdirisaaq Axmed Siciidd ku weheliyey kormeer uu ku tegey Isbitaalka weyn ee degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Dhahar, Sep 15,2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah weftiga guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Hon Cabdirisaaq Axmed Siciidd ku weheliyey kormeer uu ku tegey Isbitaalka weyn ee degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Waxaa isbitaalka ku soo dhaweeyay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Jamac Maxamed Samatar iyo maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka, wasiirka ayaa warbixin ka siiyay gudoomiyaha shaqada ka socota iyo adeega uu bixiyo.
Isbitaalka degmada Dhahar waa isbitaal public ah, kana kooban qaybta caruurta,qaybta bukaan socodka, qaybta bukaan jiifka, qaybta caafimaadka degdega ah, qaybta hooyada iyo dhalaanka iyo qaybta nafaqo quudinta iyo nafaqo darada.
Gudoomiyaha ayaa wasiirka iyo maamulka caafimaadka gobolka ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay isbitaalka waxaana uu kula dardaarmay in shaqada lasii horumariyo bulshadana adeega la gaarsiiyo.
Wasiirka waxaa ku wehelinayay kormeerka kusimaha agaasimaha qorshaynta Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed.
 
 
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.