07
Aug
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax oo ka mid ah ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku weheliyay kormeer uu ku tegey Isbitaalka weyn ee degmada oo u qalabeysan si wanaagsan kaasi oo ay ka faa’ideystaan bulshada degmada iyo deegaannada u dhow, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiiradda iyo masuuliyiinta Isbitaalka.
Burtinle: 06 August 2024:Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax oo ka mid ah ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku weheliyay kormeer uu ku tegey Isbitaalka weyn ee degmada oo u qalabeysan si wanaagsan kaasi oo ay ka faa’ideystaan bulshada degmada iyo deegaannada u dhow, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiiradda iyo masuuliyiinta Isbitaalka..
Isbitaalka degmada burtinle waa isbitaal public ah, kana kooban qaybaha caruurta qaybta bukaan socodka, qaybta bukaan jiifka, qaybta caafimaadka degdega ah, qaybta hooyada iyo dhalaanka, qaybta ilmaha dhiciska ah, qaybta nafaqo quudinta iyo nafaqo darada, iyo qaybta qaliimada oo gabagabo maraysa, isbitaalka waxa uu leeyahay Generators korontada dhaliya, machine-ka biyaha sifeeya, machine-ka qashinka lagu gubo, iyo machine-ka casriga ah ee hawada sifeeya, Natural Ventilation System, iyo sidoo kale Gargaarka degdega ah oo 24 heegan ku jira, Isbitalka waxaa ku baxay kharash dhan 1.2 Million Dollars, waxaa ka howlgala 45 shaqaale, oo ka kooban Maamul dhakhaatiir, Kalkaalisooyin, Umulusooyin, Pharmacists, Laboratory Technicians.
Madaxweynaha ayaa wasiiradda iyo maamulka degmadda ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay isbitaalka waxaana kuu kula dardaarmay in shaqada lasii horumariyo bulshadana adeega loo gaarsiiyo.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.