Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Siciid Cabdullahi Deni la dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS)
Garoowe: 30 December 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Siciid Cabdullahi Deni la dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).
Wasiirka oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga ayaa bogaadiyay in markii ugu horaysay Puntland yeelanayso Isbitaalkan casriga ah oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa, sidoo kalena qorshayaasha Mustaqbalka dheer ee wasaaradda ay kamid ahayd hirgalinta Isbitaal noocaan oo kale ah iyo mid ciidamada ugaar ah.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.
Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.