
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehliyaan qaar katirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Agaasimayaal iyo bahda Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bari ayaa ka qaybgalay munaasabad bilad sharaf howlkarnimo lagu guddoonsiinayay Prof. Khaliif Bille Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehliyaan qaar katirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Agaasimayaal iyo bahda Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bari ayaa ka qaybgalay munaasabad bilad sharaf howlkarnimo lagu guddoonsiinayay Prof. Khaliif Bille Maxamuud oo door weyn kasoo qaatay horumarinta Adeegyada Caafimaadka Puntland gaar ahaan hindisihii hirgalay ee Marwo Caafimaad oo ay ka faa’iideysteen kumanaan Muwaadiniin reer Puntland ah.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dadaaladii iyo doorkii firfircoonaa ee Prof. Khaliif Bile Maxamuud uu ku bixiyay in Puntland la keeno hindisaha Marwo Caafimaad iyo talooyinkii wax ku oolka ahaa ee ku biiriyay horumarinta baahiyaha Caafimaadka Puntland, Bahda Gobolka Bari ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhiiragelin isugu jirta abaalmarin iyo bilad sharaf gudoonsiiyay Aqoonyahan Prof.Khaliif Bile Maxamuud.
DHAMMAAD-







































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.