Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan, Wasiiru dowlaha Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ku wareejiyay lix gaari oo gargaarka degdegga ah degmooyinka gobolka Nugaal si kor loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada loo hayo
Garoowe: 02 October 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan, Wasiiru dowlaha Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ku wareejiyay lix gaari oo gargaarka degdegga ah degmooyinka gobolka Nugaal si kor loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada loo hayo.
Lixda gaari Amblance ayaa loogu talagalay 6 Isbitaal oo ku yaala degmooyinka Gobolka Nugaal, kuwaas oo qayb ka ahaa Mashruuca damal caafimaad oo ay fulinaysay PS, Mashruucan waxa uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda adeegyada caafimaadka ee gobolkan, gaar ahaan kuwa degdegga ah, iyadoo la hubinayo in cisbitaalladu helaan taageero iyo agab muhiim ah oo lagama maarmaan u ah bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh. Gargaarkan waxa uu xoojin doonaa awoodda iyo awoodsiinta cisbitaallada si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah, isla markaana u taageeraan kobcinta caafimaadka guud ee bulshada gobolka.
Munaasibada Wareejinta waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha gobolka Nugaal Abdirahmaan Xaaji Abshir, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mohamed Jamac Qorile iyo qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmooyinka Burtinle, Garowe, Godobjiraan, Eyl, Dongoroyo.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Abdirahmaan Xaaji Abshir oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland iyo hay’adda PSI ee kala shaqaysa mashruuca Damal caafimaad oo sida aan la socdo wax badan ka badalay adeega caafimaadka ee Gobolka, rajaynayana inuu sii socdo. Masuuliyiinta la wareegaya baabuurta iyo darwalada kaxaynayaba waxaan kula dardaarmayaa inay dhaqalaystaan ilaashadaan gaadiidka lagu wareejiyay ka gobol ahaan waan la socon doonaa.”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Siciid Jamac Qorsheel oo kalmad dardaaran ah ka jeediyay wareejinta baabuurta ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta ku wareejinaynaa Lixda gaari Amblance 6 Isbitaal oo ku kala yaala degmooyinka Gobolka Nugaal, kuwaasi oo ay wasaaraddu sanadkaan dhexdiisi kala wareegtay Hay’adda Population Services International (PSI) oo aan ka wada shaqayno mashruuca Damal Caafimaad oo ka shaqeeya gobolka Nugaal, gadiidkaan oo ah kuwii ugu danbeeyay ayaa loogu talagalay inuu wax ka badalo baahiyaha ka jiray degmooyinka oo qaarkood aysanba lahayn gaadiidka gargaarka degdega ah si loo fududeeyo adeega bulshada loo hayo loona hormariyo. sida aad aragtaan waxaa madasha ku sugan gudoomiyaha gobolka, qaar kamid ah xildhibaanada golada deegaanka degmooyinka iyo odayaasha degmooyinka waxaana intaas oo qof ugu casunay in la ogaado lana wada qaado masuuliyada gaadiidkaan ayna noqdaan kuwa shaqada loogu talagalay ka shaqeeya ee aysan noqon kuwa si gaar ah loo isticmaalo, waxaan ku kalsoonahay inay meesha ka bixi doonaan baahiyaha gaadiidka ee degmooyinka, waxaana rajaynayaa in bulshadu ilaashato una aragno hanti iyagu leeyihiin.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.