Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,Wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan, wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socdey Bangiga Adduunka oo ay hogaaminayso Francisca Ayodeji (Ayo) Madaxa Caafimaadka Baanka Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika.
Garoowe: 03 October 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,Wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan, wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socdey Bangiga Adduunka oo ay hogaaminayso Francisca Ayodeji (Ayo) Madaxa Caafimaadka Baanka Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Africa, ayna wehelinayeen Bashiir Xamid Habiib Aadan Nuur, Peter okorow, Dr Cabdisalaan Bahwal.
Ujeedada safarkooda ee Puntland ayaa ku aadanaan horumarinta caafimaadka, gaar ahaan barnaamijka Damal Caafimaad, waxaana kulanka lagu falanqeeyay guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada caafimaadka ee bulshada Puntland.
Wafdiga Baanka Adduunka ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado wasaaradda Caafimaadka Puntland, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojinayaan taageeradooda si loo xaqiijiyo yoolalka barnaamijka Damal Caafimaad.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa kusimaha Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, agaasimaha qorshaynta, xubnaha kumatala wasarada Caafimadka Puntland ee Damal Caafimaad iyo hay’addaha PSI iyo Care International oo mashruuca fuliyaa ka ah.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.