Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiska ku qaabilay Wefti ka socday hay’adda Population Services International (PSI) oo uu hogaaminayey Madaxa Soomaaliya Ibraahin Xasan Axmed

14 Sep

Garoowe: 08 Sep 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiska ku qaabilay Wefti ka socday madaxda Hay’adda Population Services International (PSI) oo Wasaaradda Caafimaadka Puntland kala shaqeeysa Mashaariicda Caafimaadka ee Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad oo uu hogaaminayey Madaxa Soomaaliya Ibraahin Xasan Axmed .

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta wasaraadda iyo PSI, sidoo kale waxaa looga hadlay sidii looga shaqayn lahaa balaarinta mashruuca Damal caafimaad iyo in gobollada kale lagu daro maadaama Nugaal lagu guulaystay.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey hay’adda PSI mashaariicda caafimaad ee ay ka wada shaqeeyaan ee kala ah Damal Caafimaad iyo Marwo caafimaad. Waxaana uu xusay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socda. Kulanka waxaa qayb ka ahaa agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Marwo Adna Faarax Abdulaahi iyo saraakiil kale oo ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland, Cabdiqani Xirsi Shire madaxa xafiiska Puntland iyo Madaxa mashruuca Damal Caafimaad ee hay’adda PSI Dr Sugow Bishaar.
 
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.