Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka Dr Cabdirsashiid Xasan Jaamac ayaa maanta shir gudoomiyey shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

09 May

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka Dr Cabdirsashiid Xasan Jaamac ayaa maanta shir gudoomiyey shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

Garoowe: 06 May 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka Dr Cabdirsashiid Xasan Jaamac ayaa maanta shir gudoomiyey shirka shaqaalaha xarunta dhexe.
Shirkaan oo Todobaadkii mar qabsooma ayaa waxaa la isku weydaarsadaa habsami usocodka shaqada iyo dardar gelinta hawlaha mudnaanta u leh wasaaradda, waxaana culayska lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada loona horumarin lahaa aqoonta shaqaalaha.

Adna Farah Agaasimaha waaxda shaqada shaqaalaha oo shirka furtay ayaa ka tiri:-
“ Shirkaan maanta aan iskugu nimid waa kii shaqaalaha wasaraadda caafimaadka ee ka shaqeeya xarunta dhexe ee Garowe, shirka maanta ayaa daarnaa sidii la iskaga xog waraysan lahaa habsami usocodka shaqada wasaaradda iyo imaanshaha waqtiga loogu talagalay.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ugu horayn umahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka sida hawlkarnimada ah ee ay adeega caafimaad ugaarsiisaan dhamaan deegaanada ilaa miyiga fog ee Puntland, waxa kaliya ina horyaala shirkaan aan iskugu nimid Inaan kor usii qaadno shaqadeena, waxaan sidoo kale shaqaalaha laga rabaa inay aqoontoodq kordhiyaan si uu ugu hormariyo shaqada uu hayo.“
“ Waxaan sidoo kale shaqaalaha gobolada ku bogaadinayaa kuna amaanayaa dadaalka naf hurnimada leh ee ay ku jiraan waliba waqtigan wadanka ay ka jiraan cudurada faafa oo qaarkood hawsha ay hayeen darteen cudurada usaameeyeen, waan si wadi doonaa kulamada shaqaalaha si aan wada jir uwada fulino masuuliyada aan bulshada uqaadnay.”
“Shirkaan waxa uu noqon doonaa mid joogto aan iskugu arki doono iskana xog waraysan doono markasta hawlaha ina horyaala.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.