Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu wehelinayo wasiiru-dowlaha wasaaradda Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta shir guddoomiyay shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

21 Oct

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu wehelinayo wasiiru-dowlaha wasaaradda Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta shir guddoomiyay shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

Garoowe: 20 Oktobar 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu wehelinayo wasiiru-dowlaha wasaaradda Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta shir guddoomiyay shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

Shirkaan oo bishii mar qabsooma ayaa waxaa la isku weydaarsadaa habsami usocodka shaqada iyo dardargalinta hawlaha mudnaanta uleh wasaaradda, waxaana qaban qaabiya waaxda shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda.

Adna Farax Abdullahi agaasimaha waaxda Shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka DPL oo ugu horayn ka hadashay shirka ayaa tiri:-

“ Shirkaan maanta aan iskugu nimid waa kii shaqaalaha wasaraadda caafimaadka ee ka shaqeeya xarunta dhexe ee Garowe, shirka ayaa daaram sidii la iskaga xog waraysan lahaa habsami usocodka shaqada wasaaradda iyo dardargalinteeda”

Dr Mohamed Mohamuud Xidig Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan maanta kulankeena ku saabsanyahay sidii loo dardargalin lahaa shaqada wasaaradda korna loogu qaadi lahaa adeega bulsahada aan uhayno, sida dhamaanteen aan wada ognahay wasaaradda waa mida ugu baaxada weyn marka loo eego wasaaradaha kale ee dawladda sidoo kale ka shaqaysa adeeg gaarsiinta caafimaadka ilmaha iyo hooyada , waxaan rabnaa inaan si wada jir ah uwada gudano shaqada maalin laha ah haday ahaan lahayd soo imaantinka waqtiga shaqada iyo sidii qof walba kaalintiisa uqaadan lahaa.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Ahmed Shiikh Farax Mohamed oo ka hadlay shirka ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan iskugu nimaano kulanka shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaan bogaadinaya shaqada aad bulshada uhaysaan waxaan ogahay inaad kaalin wax ku ool ah ugu jirtaan, sidaad ogtihiin dhamaantiin wasaaradu waxay kamid tahay kuwa adeega bixiya uguna waaweyn Puntland, waxaa la inaga sugayaa inaan sii laba jibaarno shaqadii aan bulshada uhaynay lana sii hormariyo, waan idinku amaanayaa idinkana mahadcelinayaynaa inaad xaalado kala duwan ku shaqaysaan si bulshadiina aad uga haqabtirtaan baahiyahooda caafimaad.”

Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ugu horayn umahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka sida hawlkarnimada ah ee ay adeega caafimaad ugaarsiisaan dhamaan deegaanada ilaa miyiga fog ee Puntland, waxa kaliya ina horyaala shirkaan aan iskugu nimid Inaan kor usii qaadno shaqadeena, Ilaalinta shaqada waa waajibka koowaad ee ina wada saaran la iskula xisaabtamo, wasaraadda caafimaadka waxay kaalinta koowaad kaga jirtaa wasaaraddaha dawladda madaama dhamaan ay masuul ka tahay caafimaadka bulshadeena oo dhan iyo buuxinta baahiyahooda caafimaad.”

“Shirkaan waxa uu noqon doonaa mid joogto aan iskugu arki doono iskana xog waraysan doono markasta hawlaha ina horyaala.”

Shirka waxaa ka qaybgalay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud, agaasimayaasha waaxyaha qorshaynta, caafimaadka asaasiga ah, agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, agaasimaha maamulka iyo maaliyada iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda ee xarunta dhexe.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.